Somali News

Dil ka dhacay Kismaayo // Shaqsiyaad lagu u gaarsanayo

1 of 1 Dil ka dhacay Kismaayo // Shaqsiyaad lagu u gaarsanayo
1117 Views Date March 3rd, 2014 time 7:10 pm

Maleeshiyaadka Ururka Raaskambooni ee Maamulka Axmed Madoobe ayaa Xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa ay ku Dileen Ruux la sheegay in uu ahaa Taksiile.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Jaamac Sheekh Bishaar Axmed ayaa Xalay lagu Dilay Xaafada Guulwade ee Magaalada Kismaayo iyadoona Dadka Degaanka ay sheegeen in Ruuxan ahaa Taksiile islamarkaana ay toogteen Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Maleeeshiyaadkan Dilka ka geystay Magaalada Kismaayo ayaa goobta isaga baxsaday waxaana la sheegay in Dilkan uu salka ku hayo kuwa lagu bartilmaameedsanayo Shaqsiyaad gaar ah.

Majiro hadal ka soo baxay Maamulka KMG ah Juba ee Axmed Madoobe taasi oo ku aadan Dilkii Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.


Contact US / NALA SOO XIRIIR