Somali News

Mid kamid ah Shirarka kasocda Baydhabo oo maanta lagu dooran Doono Madaxweyne iyo Sawirada Musharixiinta oo ..

1 of 1 Mid kamid ah Shirarka kasocda Baydhabo oo maanta lagu dooran Doono Madaxweyne iyo Sawirada Musharixiinta oo ..
336 Views Date March 3rd, 2014 time 8:10 am

Wararka aan maanta ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta mid kamid ah Shirarka kasocda Magaaladaasi ee lagu dhisayo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu dooran doono Madaxweynaha Maamulkaasi.

Ergayda u fadhisa Shirka lagu dhisayo Maamul Goboleed Lixda Gobol ka kooban ayaa maanta u diyaar garoobaya in ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u tartamayaan Musharixiin dhoor ah oo si weyn looga yaqaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Qaar kamid ah Sawirada Musharixiinta ayaa maanta lagu arkayaa gudaha Magaalada Baydhabo , waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka goobta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya si weyna u taageersan Shirka lagu dhisayo Maamulka Lixda Gobol ka kooban ayaa seegay in maanta ay Ciid u tahay Shacabka kunool Gobolada Koonfur Galbeed ayna dooran doonaan hogaankooda.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto in ay taageerto Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban lixda Gobol ,waxa uu tilmamaya in Dowlada Muhiim tahay in ay ilaaliso Shucuurta dadka una hogaansato rabitaankooda.

Dhinaca kale Magaalada Baydhabo waxaa isna kasocda Shir kale oo midkan kasoo horjeeda kaa oo isna lagu dhisayo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliiya oo ka kooban Sadax Gobol .

Wasiiro katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku guul dareestay mideynta labada Shir iyo in maamulka la dhisayo ka koobnaado ilaa Sadax Gobol , arintan ayaana noqoneysa culees cusub oo mar kale kusoo kordhay Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horey u aqoonsatay Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe kaa oo ka kooban ilaa Sadax Gobol oo kala ah Jubooyinka iyo Gedo , waxaana Shirka hada kasocda Baydhobao midkood uu tirsanayaa Sadaxda Gobol ee Maamulka Jubba ka arimiyo.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR