Somali News

Al-Shabaab oo saakay Dib ula wareegtay Deegaan saacado kooban gacanta Ciidanka Dowlada ku jiray

1 of 1 Al-Shabaab oo saakay Dib ula wareegtay Deegaan saacado kooban gacanta Ciidanka Dowlada ku jiray
598 Views Date March 4th, 2014 time 7:24 am

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa saakay dagaal la’aan waxa ay dib ula wareegeen Deegaanka Raage Ceelle ee Gobolka Sh/Dhaxe , kadib markii Maalintii shalay halkaasi gaareen lana wareegeen Ciidamo katirsan Dowlada.

Ciidamada Dowlada ayaa gacanta ku hayayay Deegaanka Raage Ceelle Saacado kooban waxa ayna xalay Saqdii Dhaxe ciidamada Dowlada bilaabeen in halkaasi ka baxaan dibna ugu laabtaan Fariisimihii markii hore ka yimaadeen.

Dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in Saakay ay Shabaab dib ugu soo laabteen Deegaankaasi , waxa ayna tilmaameen in hada xaalada tahay mid caadi ah maamulka Deegaankaasi ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada ayaa marar badan waxa ay sidan oo kale la wareegeen Deegaano iyo Degmooyin ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab, inakstoo aysan dhicin in ay kusii nagaadaan dibna uga soo baxeen saacado iyo maalmo kadib.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR