Somali News

Daawo Sawirada Ex. Guddoomiye Tarsan oo xilkii ku wareejiyey Guddoomiye Mungaab

1 of 1 Daawo Sawirada Ex. Guddoomiye Tarsan oo xilkii ku wareejiyey Guddoomiye Mungaab
775 Views Date March 4th, 2014 time 11:23 am

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay kana dhacday xarunta gobolka Banaadir oo ay ka qeybgaleen wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Culimaa’udiin, Haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada uuna soo qabanqaabiyey Guddoomiyihii hore ee gobolka Tarsan ayaa waxaa xilkii Guddoomiyaha gobolka Banaadir loogu wareejiyey Gen. Xasan Mungaab oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Waxaa goobta xilwareejinta ku suganaa wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaaliya C/laahi Goodax Barre, iyo ku xigeenkiisa, sidoo kale waxaa madasha  ku sugan Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobalka Banaadir, saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddomiyaha xilka lagu wareejiyey iyo dad weyna kaloo fara badan.

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in mudadii afarta sano aheyd ee ay xilka hayeen ay soo qabteen waxyaabo badan, dibna ay u soo celiyeen bilicdii magaalada Muqdisho, isagoo xusay in Mungaab looga baahanyahay inuu horay u sii wado dib u soo celinta nabadda iyo bilicda magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Mungaab oo isna xil-wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyihii hore uu wax badan ka qabtay magaalada Muqdisho taasina ay tahay mid aan la qarin karin oo ay magaalada ka muuqato, isagoo xusay in Tarsan uu Muqdisho ka dhigay magaalo la tartanta magaalooyinka kale dhinaca leyrarka iyo nadaafadda intaba.








Contact US / NALA SOO XIRIIR