Somali News

Tarsan”Wasiirka Amniga Qaranka Musuq Maasuq Xoogan ayuu ku Kacay Halala Xisaabtamo

1 of 1 Tarsan”Wasiirka Amniga Qaranka Musuq Maasuq Xoogan ayuu ku Kacay Halala Xisaabtamo
711 Views Date March 4th, 2014 time 7:04 pm

Gudoomiyihii Hore Ee Maamulka Gobolka banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  oo Maanta Ka Hadlayay Xaflad uu Xilka ku wareejinayay Gudoomiyaha Cusub ayaa waxaa uu banaanka Soo dhigay Xumaan iyo masuq maasuq Xoogan oo uu ku kacay wasiirka Amniga Qaranka Xukuumada Somalia Xiligii uu ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadii Saacid Taas oo uu Sheegay in ay Tahay Arin uu u Dulqaadan Waayay uuna Mudo la Aamusnaa .

“Waxaan la Yaabay Musuq maasuq Heerka uu ka gaaray Wasiirka Amniga Qaranka Cabdi kariin Guuleed 7 Gaari oo Nuuca Bulad Buruufka ah oo Ambalaasyo aysan xabadu klarin ahaa ayaan ku Wareejiyay anoo Niyada ku hayay markaas in Labo Arimood oo kala ah in Gawaaridaas sida ay Meel u yaalaan ay Taayirada ka Bur Buri doonaan ama in dan Gaar ah loo isticmaali doono inta Kalarka laga badalo waana ay dhacday Ilaa hada meel laguma sheego Wasiirka ayaa ku Takri Falay Waa Arin aan Qaadan waayay Mudana aan islahaa Shacabka ayaa loogu adeegi doonaa mana dhicin “ayuu Yiri Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Tarsan .

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Gawaaridaan uu maamulka Gobolku ka Helay Mid ka mid ah Dowladaha Caawiya Somalia in kastoo uusan Xusin Magaca Dowladaas Hadana waxaa uu yiri Waxaan ugu talo galnay 2 Degmo Hal Ambalaas in ay ka dhaxeyso oo Dadka loogu Adeego lkn nasiib Daro  ma dhicin oo wasiir Guuleed ayaa Musuq maasuqay.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR