Somali News

Baydhabo oo Xaaladeedu ay qasantahay (Maxaa ka jira?)

1 of 1 Baydhabo oo Xaaladeedu ay qasantahay (Maxaa ka jira?)
450 Views Date March 6th, 2014 time 5:07 pm

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Magaalada oo Maalmahan marti galinaysay Xiisad Siyaasadeed iyo kala aragti duwanaasho Maalmahan ka dhex jirtay Siyaasiyiinta Gobalka ay Xaaladeedu sii cakirantay, markii Shalay Gacan ka hadal hubeysan uuhalkaas ka dhacay.

Askar Milatari ah iyo kuwo Boolis ah ayaa Shalay ku diriray Magaalada gudaheeda, Dagaalkaasna wuxuu sababay Gerida Dad 5 Ruux gaaraya oo uu ku jiray Taliye xigeenkii Booliska Gobalka Bay.

Ilo Wareed Xog ogaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Iska horimaadka hubeysan uu ka dhashay, Ciidamo Milatari ah oo Kolonyo ku socday, kuwaas oo laga horjoogsaday inay ka tallaabaan Goob Bar Kontarool ah oo Boolisku ay Magaalada ka fadhiyeen.

Dhimashada ka dhalatay Iska horimaadka ka sokoow, waxaa jira Dhowr Qof oo dhaawacantay, kuwaasoo Isbitaalada loola cararay si loogusoo daweeyo.

Dadka Magaalada ayaa qalqal xoogan dareemay Dagaalka ka dib,  illaa iyo haatanna Saan saanta Xiisadaha iyo Qilaafyada jira ayaa Magaaladoo dhan hareeyay.

Maamullo kala Ujeed duwan ayaa Magaalada lagu dhisayaa, kuwaas oo qaarkood goor horaba Madaxweyne loo sameeyay, halka kuwa kalena Maalmaha soo socda la diyaarinayo.

Madoobe Nuunoow oo mid ka mida Maamuladan Madaxweyne looga dhigay ayaa lagu wadaa in dhawaan Xilka loo caleema-saaro, wuxuuna sheegay inuu Amniga iyo Siyaasadda wax badan ka qaban doono.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR