Somali News

DEG-DEG: Afhayeenka Alshabaab oo u digay ciidanka Itoobiya

1 of 1 DEG-DEG: Afhayeenka Alshabaab oo u digay ciidanka Itoobiya
801 Views Date March 6th, 2014 time 5:18 pm

War deg-deg ah oo uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere) Waxa uu ku sheegay inay u digayaan Alshabaab.

Waxa uu tilmaamay inay dagaal ay ku hoobtaan ay uga digayaan ciidamada Itoobiya oo iminka gobolo kamid ah Koonfurta Soomaaliya ay kula dagaalamayaan ALshabaab sida Bay, Bakool iyo gobalka Gedo.

Warar aan helnay sheegaya in Alshabaab ay kula dagaalamayaan ciidanka Itoobiya iyo kuwa dolwadda deegaano kamid ah Rabdhuure iyo gobalka Bakool.

“Waxaan uga digaynaa ciidanka Itoobiya inay Soomaaliya sii joogaan waxaana uga digaynaa inay la kulmaan wixii ku dhacay 77-dii oo aad og tihiin in la xasuuqay” sidaas waxaa yiri Afhayeenka Alshabaab.

War deg-deg ah oo Cali Dheere ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xili Itoobiya ay ku biirtay AMISOM isla markaana ay shaacisay in Alshabaab ay ciribtirayso.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR