Somali News

Libya oo heshay Wiilashii Qadaafi midkood!!

1 of 1 Libya oo heshay Wiilashii Qadaafi midkood!!
414 Views Date March 6th, 2014 time 4:52 pm

Wiil uu dhalay Mucamer Al-Qadaafigii la dilay ee Liibiya hogaamin jiray ayaa wuxuu gaaray Dalkiisa, ka dib markii laga ceyriyay Wadanka Niger, halkaas oo uu Muddo ku sugnaa.

Al-Saacidii Al-Qadaafi ayaa ceyrintiisa waxay ku timid Codsi ay Dowladda Libya u dirtay Niger.

Dowladda Libya oo Bayaan soo saartay ayaa sheegtay inay Garoonka Diyaaradaha Tripoli kusoo dhawaysay Al-Saaciddii.

Waxaa Internetka lagu faafiyay Sawirada Al-Saacidii oo Gerkii iska xiiray.

Al-Saacidii ayaa ka cararay Libya markii la dilay Aabihiis, Sanadkii 2011-ka. Illaa Goortaasna wuxuu Magan galiyo Siyaasadeed ugu noolaa Niger.

Wiilkan ayaa lagu eedeynayaa inuu Rasaas ku furay Dad Dibadbaxayaal ah, Dambiyo kalena uu geystay inuu Aabihiis Talada Libya hayay.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR