Somali News

Sheekh Axmed Madoobe oo Riyo Maalmeed ku tilmaamay Madaxweynihii dhawaan lagu doortay Baydhabo

1 of 1 Sheekh Axmed Madoobe oo Riyo Maalmeed ku tilmaamay Madaxweynihii dhawaan lagu doortay Baydhabo
916 Views Date March 7th, 2014 time 7:54 am

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Madoobe ayaa ka hadlay maamul lagu magacdaray Koonfur Galbeed kana kooban lix gobol oo todobaadkii hore looga dhawaaqay magaalada Baydhabo.

Sheekh Madoobe oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in arrinta Baydhabo looga dhawaaqay uu yahay wax iska riyo isla markaana aan waaqaca ku saleynayn.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay in gacan ka geysto dhismaha maamulka iyadoo loo maraayo hab juquraafi ah.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta wareejinta dekadda Kismaayo ee ku jiray heshiiska Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba, wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo ka horeeya oo aan la fulin.

‘’ Dhamaystirka heshiiska Addis Ababa ma ahayn mid dekadda iyo elaboorka ku saabsan, waxba ka horeeya oo la rabay in la dhameystiro kuna jira dastuurka,’’ ayuu sheegay.

Maamulka Baydhabo looga dhawaaqay ayaa la sheegay in uu ka kooban yahay lix gobol kuna jiraan ilaa saddex gobol oo hoos taga maamulka Jubba, waxaana si weyn uga soo horjeestay oo cambaareeyay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

dameer madoobe

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR