Somali News

Daawo Sawirada “Fanaan Caan ah oo u dhashay Ingiriiska oo ku biiray Kooxaha ka dagaalamaya Syria oo cabasho soo diray

1 of 1 Daawo Sawirada “Fanaan Caan ah oo u dhashay Ingiriiska oo ku biiray Kooxaha ka dagaalamaya Syria oo cabasho soo diray
686 Views Date March 9th, 2014 time 6:11 pm

Fanaan caan ahaa oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sanadkii hore u dhuuntay dalka Syria si uu uga bar-bar dagaaalamo kooxaha kacdoonka wada, hasa yeeshee markaan ayaa xaalku ku xumaaday kadib markii uu cadaadis kala kulmay kooxihii uu doonayay in uu gacanta siiyo.

Abdel-Majed Abdel oo ahaa heesaa caan ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxa uu ka tegay magaalada Maida Vale sanadkii tegay isaga oo u kicitimay dalka Syria si uu uga dagaalamo, waxaana la sheegayaa in uu lacag aad u fara badan uu uga tegay acount-giisa xilligii uu jihaadka doonanayay.

Ninkaan ayaa waxa uu jiraa 23- sano waxa uuna aad uga cabanayaa afduub ay ku hayaan jihaadiistayaal udhashy dalkaasi Syria, Cabashada waxa uu soo dhigay acount uu ku leeyahay BartaTwitterka.

Waxaa Abdel-Majed Abdel heesihiisa laga deyn jiray idaacada BBC ee laga leeyahay Dalka Ingriiska, waxa uuna ahaa nin dad badan oo u dhashay Dalkaasi ay aad u garanayeen.

Horay ayaa sidaan oo kale waxaa jihaadiistayaal uga tegay dalkooda in ay caawiyaan kooxo Dagaalamayaal ah waxaa dhibaata ay kasoo wajahday ragii ay garabka siinayeen iyada oo koox badan oo kamid ah lagu dilay shirqoolla loo dhigay.


paul bennett to caption

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR