Somali News

Shacabka Shabeelada Dhexe oo ka cabanaya Dowladda Soomaliya

1 of 1 Shacabka Shabeelada Dhexe oo ka cabanaya Dowladda Soomaliya
685 Views Date March 10th, 2014 time 12:17 am

Shacabka ku dhaqan degmooyinka mahadaay iyo raage ceele  ayaa ka cabanaya dhibka  aay ku haayan dowladda Soomaaliya, taasi  aay ku macneeyen in dowladda Soomaaliya marar badan deegnada inteey gaartay dib ugu soo guratay.

degmada mahadaay dadka kooxda  shabaab gowraceen waxaa aay gaarayaan 15 ruux oo gebi ahaan la bireeyay taasi oo ka dhalatay  markii dagmada mahadaay dowladda isaga baxday dadkaasina lagu tilmaayay jaajusiin dolwadda la shaqeeyo.

hadaba dowladda Soomaaliya , ayaa  waxaa loogu baaqay in aay gacan bir ah ku qabato deganada isla markaasina aay ka xurayso  kooxda  shabaab ee weli baaqiga ku sii ah  Gobalka intiisa kale.

Maalmo ayaa ka soo wareegtey markii degmada Raage ceele dowlada mudo sacada ah la wareegtay ka dibna dib isaga baxday taasi oo aay aad ugu xumadeen  shacabka ku dhaqan halkaasi.

hadaba shacabka ku dhaqan gebi ahaan gobalka shabeelada dhexe ayaa  ah kuwa  aad ugu xun falalka  kooxda  shabaab ka wadaan deeganadaasi.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR