Somali News

Fanaan Maxamed Saleemaan Tubeec oo Maanta ku geeriyooday Dalka Jarmalka

1 of 1 Fanaan Maxamed Saleemaan Tubeec oo Maanta ku geeriyooday Dalka Jarmalka
726 Views Date March 11th, 2014 time 12:17 pm

Allaha u Naxariistee waxaa Maanta oo Talaado ah Dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Saleemaan Tubeec (Boqorka Codka), Fanaanka ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay Isbitaal kuyaala Dalka Jarmalka.

Mustafa Maxamed Saleemaan ayaa Xaqiijiyay Geerida Aabihiis manta ku timid , waxa uuna sheegay in mudooyinkan uu ku jiray koomo kadib markii lagu sameeyay Qaliin labo jeer ah oo looga sameeyay dhinaca Sambabada

Fanaanka Maxamed Saleemaan Tubeec ayaa taariikh fog ku leh Fanka Soomaaliya waxa uuna qaaday Heeso aad u tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani , waxa kale uu ku luqeeyay Heeso lagu qaaday Luqada Carabiga.

Allaha u naxariistee Al-Fanaan Maxamed Saleemaan Tubeec ayaa ku geeriyooday Da’da 71-sano jir , waxa uuna ifka kaga ilaa todobo caruur ah 4-Wiil iyo Sadax Gabdhood.


Contact US / NALA SOO XIRIIR