Somali News

Halkan ka Aqriso” Magacyada Gudoomiye kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir oo la Magacaabay

1 of 1 Halkan ka Aqriso” Magacyada Gudoomiye kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir oo la Magacaabay
1276 Views Date March 12th, 2014 time 4:07 pm

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto xilalka looga qaaday gudoomiye ku-xigeenadii hore ee gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay masuuliyiinta cusub ee ku-xigeenada ka noqonaya maamulka gobolka gobolka Banaadir

Kamal Gutale ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyeynta , waxaana xilka kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo arrimaha bulshada laga qaaday Cali Axmed Guure.

Sidoo kale kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada waxaa loo magacaabay Ismaaciil Macalin Cabdi Guure, waxaana xilkaas laga qaaday Iimaan Nuur Iikar oo loogu bedelay Kuxigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada

Waxaa kaloo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga laga qaaday Warsame Maxamed Joodax, waxaana sida muuqata xilkaas amniga heynaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab, maadaama ay hoos tagayaan Talisyada Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabayMaxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) waxaana xilka laga qaaday C/kaafi Hilowle Cismaan.

Hadaba wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa sidan u qorneyd:



Contact US / NALA SOO XIRIIR