Somali News

Maxaa Lagu Xasuusta Ragii Xilalka soo qabtay Xiligi Shariifka Ilaa Hada

1 of 1 Maxaa Lagu Xasuusta Ragii Xilalka soo qabtay Xiligi Shariifka Ilaa Hada
958 Views Date March 12th, 2014 time 9:54 pm

Halkaan  waxaan  idiin kuugu soo gudbin doono Madaxdi ugu danbeeyay ee dalka  xiliga uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheikh Axmed Iyo  waliba wax qabadkoodi war baxin kooban.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed

Ugu horeyn Madaxweynahi Hore  dalka Shariif Sheekh Axmed  ayaa  waxaa lagu xasuusan doono eex iyo qabyaalad maasuq maasuq iyo nin jeclaaysi.

Shariif sheikh axmed  waxaa uu jufo jufo u kala saaray beesha uu ka dhashay ee mudulood asaga oo jufada uu ka dhashay ee agoon yar siin jiray saamiga soo gaara beesha Mudulood taasina waa nasiib daro soo wajahday intii madaxda ka ahaa  dalka  waxaa aay ka mid tahay asbaabaha uu dib ugu soo noqon  waayay shariif axmed.

Shariif Xasan sheikh Aadan shariif Sakiin

Shariif Sakiin Gudoomiyahi Barlamanka Soomaaliya, in muda ahna soo haayay xilkaasi  wa ganacsade qibrad badan aan u laheyn hanaanka dowlad nimo  waxaa uu astaan u noqday maasuq maasuq baahsan oo fashilyay dowladdi shariif axmed waxaa uu soomaaliya maasuq maasuqa ka galiyay kaalinta koowaad.

Ilaa hada kama marno  siyaasada dalka wuxuu mushaaraad ka qaata safiiro uu horay u geeyay dalal dhowr sida turiga waana nin dhan waliba ka ciyaara  wuxuu ahaa muqalas weyn oo ka ganacsada dadka xiliga uu gudoomiyaha barlamaanka ahaa wuxuu lacaga badan ka qaadan jiray dadka doonaya in aay dalalka soomaaliya dhaama .

Wuxuu wasiiir waliba raacsiin jiray safar  waliba ilaa sadax ruux oo laba asaga ka mid ah xagiisa ka socda si  wasiirkaasi  socdaalka uu ku tagayo dalalka caalamka loogu maasuq maasuqin.

Shariif  xasan qormadiisa halkaan laguma soo koobi karo

Cumur C/rashiid Cali Sharma,arke

Cumar  waxaa dhalay  Madaxweynahi Hore Dalka allaha u naxariste C/rashiid  Cali Sharma,arke cumar ma aheyn nin fahmi kara baahidi xiligaasi dalka ka tagneed wuxuu ahaa nin aan daruuf waligii arkin kuna ma ahaynin nin aqoon dheeri ah u leh aqabadahi xiligaasi jiray.

Wuxuu ahaa nin markii uu saxafada u yeera iska iloowi jiray waxaa dhacday in maalin intuu u yeero saxaafada intii aay dibada ku sugaysay loo sheegay in cumar Geym Ciyaarayo taasi oo aad ugu yaabisay  wariyaasha warka ka sugaayay xiligaasi.

Qormadiisa halkaan laguma soo koobi karo

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

R/wasaarahi ugu shacbiyada Badnaa Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo  wuxuu aha qorax ama hilaac bilig u yiri umada soomaaliyeed, xili aay u baahneed wuxuu ahaa R/wasaaraha kaliya ee wax qabadkiisa banaanka yimid  ma aheyn nin kala dhantaala dhaqaalaha dalka loo soo dhiiba.

Wuxuu soo nooleeyay ciidanka xooga dalka soomaaliyeed, oo uu ku baxiyay qarashadka ugu badan si aay ula dagalamaan cadowga shabaabka oo xiligaasi heestay magaalada muqdisho boqolkiiba 90 .

Farmaajo  waa helyeey taarikh mugweyn ku reebay umada soomaaliyeed, Farmaajo  wuxuu xilka iska casilay mudo kooban markii uu haayay ka dib markii aay caqabado badan soo wajaheen .

Farmaajo Taarikhdiisa halkaan kuma soo koobi karno balse dib kala soco insh,alah

C/weli  Cali Gaas

Gaas  waxaa lagu xasuusta in uu ka mid ahaa rag badan oo damac waalan ka galay in aay iibsadaan bada soomaaliya, wuxuu dhaqaale badan ka qaatay dalka Kenya six ad beened badeena loogu sameeyo ka dibna loo maroorsado wuxuu ahaa nin aad u sal fudud Go,aankiisana jilacsan yahay.

Wuxuu ahaa nin daaha hoostiisa aay ka maamusho marwadiisa Hodan Ciise mana aheyn nin galigiis  go,aan gaari kara sida laga soo xigtay saaxibo ku dhow

Taarikhdiisa faaah faahsan goordhow insha,alah

Xasan sheikh Maxamuud Gar guurte

Xasan Waa Madaxweynaha dalka  wuxuu qabtay wax badan waloow soori qaaday marki danbe soomaalida waxaay tiraahda nin aay soori qaaday iyo nin aay seefi qaaday yaa daran.

Xasan sheikh wuxuu soo nooleeyay xariirki beesha caalamka iyo dowladda soomaaliya, waloow markii danbe dhaqaale maroorsi uu isku dayay darted uu ku  waayay saaxiibo badan oo u sameeyay dowladiisa.

Waxaa uu aad ugu fashilmay Kooxda daaha gadashiisa ka hagta ee  Damjadiid oo danaha dalka ka door biday danaha shisheeya ayaga fashil badan dalka usoo jiidaay

Xasan sheikh wuxuu heesta weli fursad  waxaana laga dhowraya wax qabad insh,alah

Cabdi saacid Sherdoon

Mudane Saaciid  waxaa lagu xasuusta Hurdo badan iyo caajis  wuxuu ahaa nin inta badan kalagiis socod ah wasiirada xukumudiisana  kama amar qaadan jirin.

Wuxuu ahaa nin af macaan balse dadaalkiisa kooban yahay nasiib daro waqtigii uu heestay kama uusan fa,idaysan oo waxaa qaaday seefta halista badan ee Damjadiid.

Dib kala soco warbaxin saacid

Warbaxintaan waxaay gaar u tahay ayaamo.com

 

C/weli Sheikh AXmed

C/weli  waa nin cusub weli wax la taaban karo ma qaban waloow uu sabab u ahaa is badalka lagu sameeyay hayadaha amniga.

Waxaa la sheega y in uu aad u dhaliilsan yahay raga hada amniga shaqada ku leh wuxuu iska fogeeya in asaga lug ku leeyahay wax qabad la,aanta jirta

Weli waa cusub yahay waxaa loogu fadhiya wax qabad insh,alah

Warbaxintaan waxaay gaar u tahay ayaamo.com

 

 

Maxmed Sheikh Cismaan Juweeri

Gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya, waxaa lagu xasuusan doona af gaabi dhex dhexaad nimo iyo in uusan  ka gudbnin shaqadi loo igmaday.

Marka loo eega gudoomiyaashi soo maray barlamaaka soomaaliya, waa ninka ugu macquulsan run ahaanti in kasto dhaliil soomaalia laga waaayin hadana wuxuu dhaama ragii horay usoo maray dalka.

Juweeri waxaa la shega in kooxda damjadiid marin ugu dhigteen ridisti xukumadi saacid oo loo maray maasuq maasuq,

Gudoomiyaha hada waxaa laga suga  wax qabad iyo dadaal maadama waqti fiican heesto wli

Warbaxintaan waxaay gaar u tahay ayaamo.com  walaal hada doonayso xigo hanaga xadin

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR