Somali News

Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay Qeybo kamid ah Muqdisho

1 of 1 Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay Qeybo kamid ah Muqdisho
595 Views Date March 14th, 2014 time 8:23 am

Waxaa Xalay Dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ay ka dhaceen Degooyinka Hiliwaa iyo Yaqshiid oo katirsan Gobolka Banaadir.

Dagaalada ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano hubeesan oo katirsan AL-Shabaab ay weeraro culus kusoo qaadeen fariisimo ay kusugnaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo kuyaala Degmooyinka Yaqshiid iyo hiliwaa.

Goobaha ay Al-Shabaab weerareen Dagaaladuna ka dhaceen ayaa kala ah Warshada Barfuunka oo kutaal agagaraka Isgooska SOS eeDegmada Hiliwaa iyo Saldhiga Degmada Yaqshiid.

Lama sheegin wax qasaaro ah oo kasoo gaaray dadka Shacabka ah Dagaalka labada Dhinac dhax maray oo ahaa mid aad u cuslaa lagana maqlayay qeybo badan oo kamid ah Caasimada Muqdisho.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah waxa ay ku qaadaan Fariisimaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka joogaan Degmooyinka Hiliwaa, Yaqshiid iyo Dayniile halkaa oo la tilmaamay in Shabaab awood badan ku leeyihiin.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR