Somali News

Qaar ka mid ah Xaasaska Shabaab oo Arin Mucjis ah Ka Sameyey Gedo

1 of 1 Qaar ka mid ah Xaasaska Shabaab oo Arin Mucjis ah Ka Sameyey Gedo
549 Views Date March 14th, 2014 time 7:46 am

Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa http://premier-pharmacy.com/product-category/sleeping-aids/ AMISOM ayaa maalmihii u danbeeyay howlgalo ka waday qaybo kamid ah gobolka Gedo waxaana howlagaladaasi lagu qabtay deegaano dhowr oo kamid tahay degmada Buurdhuubo oo horay ugu sugnaayeen Ciidamadda Ururka Al-shabaab.

Col. Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi Gedo oo la hadlay Warbaahinta Caalamiga ah ee K24 ayaa sheegay Ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM inay wadayaan xoraynta gobaha Shabaab ku suganyihiin gobolka tan iyo intay gaarayaan degmooyinka ay Shabaab ku harsanyihiin.

Warfaa ayaa xusay Ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM si diiran in loogu soo dhaweeyay degmooyinkii ay gaareen isagoo xusay Haweenka ay qabaan saraakiisha Al-shabaab ay kala kulmeen wax aysan marnaba ka fileyn.

Waxa uu sheegay inay aad ula yaabeen markii xaasaska maleeshiyada Al-Shabaab ay ka qayb qaateen soo dhawaynta Ciidamadda dowladda iyo AMISOM.

Waxa uu xusay in tani ay muujineyso in haweenkaas ay ahaayeen kuwaa ay si qasab oo aan rabitaankooda ahayn ay ku qabeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale wuxuu sheegay Ciidamadda dowladda iyo kuwa Kenya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM maalmihii u danbeeyay inay bilaabeen howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR