Somali News

War Deg Deg Ah Saraakil sare oo shabaab ah oo is dhiibaya akhri Magacyadooda

1 of 1 War Deg Deg Ah Saraakil sare oo shabaab ah oo is dhiibaya akhri Magacyadooda
923 Views Date March 14th, 2014 time 8:05 am

Sida aan ku helayno warar ku dhow dhow sirdoonka dowladda Soomaaliya, waxaa jiro codsiyo badan oo ugu yimid saraakiil gaaraya ilaa 15 sarkaal oo ka tirsanaa shabaabka ka dagaalama koonfurt Soomaaliya balse lama oga dowladda go,aanka aay ka qaadan doonto.

saraakiisha isa soo dhiibaya ama codiyada soo qortay  ayaa waxaa la sheegay in aay ugu tun weyn yahiin  Fu’ad Maxamed Khalaf (Fuad Shangoole) oo ka mid ah hogaamiyaasha ruuxiga ah ee kooxda al-Shabaab isla markaana u qaabilsan dhanka baraarujinta iyo dacwada sido kale waxaa asagana la xaqeejiyay in uu ka mid yahay raga isoo dhiibaya  C/casiis, Abuu Muscab, oo ah Afhayeenka dhanka howlgalka u qaabilsan kooxda Al-shabaab.

sido  kale  waxaa  warar daqiiqado hor ayaamo.com heshay aay sheegaya in dhinaca kale Magaalada jowhar ee gobalka shabeelada dhexe ka socanayo dhaq dhaqaaq xoogan oo laagu jiro sidii maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab oo isa soo dhiibaya loo geyn lahaa xero gaara oo lagu dhaqan celiyo waloow aan weli si rasmiya loo xaqeejin warar sheegaya in Horjoogaha koxdaasi u qaabilsan shabeelada dhexe ka mid yahay raga isa soo dhiibay.

wixi warar ah ee ka soo kordha arinkaasi kala soco wararkayna danbe insh,alah

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR