Somali News

Adigu hadaad anigii noqotay aniguna kumaan noqdaa?(Qoraal Gabar Somaaliyeed oo Qiireesan qortay)

1 of 1 Adigu hadaad anigii noqotay aniguna kumaan noqdaa?(Qoraal Gabar Somaaliyeed oo Qiireesan qortay)
931 Views Date March 15th, 2014 time 7:30 am

Umada Soomaaliyeed waxaa ku dhacay burbur meel kasta oo nolosha ka mid ah saameeyay waxaana gaadhay dhaawac halis ah oo boogihiii ay aad u danqanayaan dhawacaasi in uu bogsadana waxaa diidan Itoobiya, boogaha iyo nabarada in la dhayo u baahan hadii lala tacaalo waxaa dhici karta in xal iyo dawo loo helo balse boogta Soomaali kutaala in ay bogsato daaye in uu caabuqu sii kordho ayaa la doonayaa waxaana dhakhtar u ah kii suneeyay (Itoobiya) wuxuuna adeegsanayaa siyaasiyiinta Soomalda ah oo kalkaaliyeyaal ah islamarkaasna doonaya in uusan shacabka Soomaliyeed dhaawaca ka kicin.

Waxaad arkaysaa xabashigii laga faani jiray oo lagu faanayo qofka Soomaliga ah manta inuu Soomaalinimo ku dhaato ama uu ku faano waxaa kala weyn in uu Itoobiyaan sheegto wuxuuna gadayaa dacaayada Soomaalida ka dhanka ah Itoobiyana hiilka u ah, arinta layaabka leh waxay tahay qofka Itoobiyaanka ah ma ogola in uu qof Soomaali ah walaalkii ku tilmaamo xita Soomaalida Ogaadeenya ee ay Itoobiya haysato walaalnimo iyo wanaag waligood lama tuso Soomaali qushaashaa (Soomaali waa qashin) unbaa lagu yidhaahdaa.

Waxaa aad ii walwal galiya arimo aad isu badalay oo hadii aan hurdada laga toosin xili dhaw dhaqan gali doona, caruurta Soomaaliyeed ee 20 sano iyo wixii ka hooseeya jirta dariiq iyo taariikh khaldan ayay dhaxalyaan oo Soomaali iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya lama barin, 20 jirka Soomaaliga ah cadawgiisa Soomaali ayuu u yaqaanaa wuxuuna la reemayaa cuqdada maskaxdiisa lagu dhaamiyay ee uu walaalkiisii dhabta ahaa u qabo halka uu cadowgiisiina walaal u yaqaano

Anigu waxaan garaadsaday iyadoo qofka Soomaaliga ah ee la durayo ama la caayayo axmaar lagu tilmaamo waxaa kale oon u soo taagnaa hooyo Soomaliyeed oo iyadoo socoto ah cunto Itoobiyaan loo keenay kadibna markii ay aragtay matag ka horgaysay maantana waxaad arkaysaa dadka Soomaalida ah marka ay casuumadaha kala duwan samaysanayaan waxa ugu mudan ee la isku sooryeeyo waa Canjeero xabashi aad loo khamiiriyay oo lab-jeex mooyaane aan wax nacfi ah lahayn.

Waxaa muuqanaya in ay dadka Soomaliyeed Itoobiyaanimo u xuubsiibanayaan hadii aan xal dagdag ah la helin bulshaduna aysan baraarugin, hada la soco Itoobiyaanku inaad isnoqotaan ma doonayaan in aad iyaga noqotaana ka sii daran oo ma ogola waxayna soo qadimayaan su’aashan Adigu hadaad anigii noqotay aniguna kumaan noqdaa? .

Shaqsiga Soomaaliga ahoow ogoow Itoobiya u jeedadeedu way durugsantahay mana aha damaceedu in ay Soomaali iyo Itoobiyo walaalo hal weel wax ku wada cuna noqdaan waxayna doonaysaa in Soomaali khariirada aduunka laga tirtiro dhulka balaadhan maadhkuna dulqotomo ee uu Rabbi Soomaali ku khalaqyna ay iyadu u hadho oo dhaxasho.

Damaca Itoobiya xaqiiqo ahaan waa siadas aan soo tilmaamay balse insha Allaahu uma noqonayso oo waa qab kaligii duulaya oo aan lugo adag ku taagnayn hadii ay Soomaali sida aan Itoobiyo u naqaano u garatana xalku meel fog ma jiro rajaduna marwalba waa mida wanaagsan oo qofka iimaanka leh in uu quusto lama ogola.
Bal maantana halkaas ha inoo joogto lana soco qaybaha dambe

Rooda Ibrahim C. Gurey (Afjano)
masnna@yahoo.com

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR