Somali News

Al shabab oo lagu duqeyey degaan hoostaga Jowhar

1 of 1 Al shabab oo lagu duqeyey degaan hoostaga Jowhar
476 Views Date March 15th, 2014 time 7:35 am

Warar aan ka heleyno deegaanka Ganboole ee hoostaga Degmada Jowhar Ee Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in habeenimadii xalay ahayd ee Sabtida ay ka dhacday duqeyn loo adeegsaday diyaarado oo lala bartilmaameedsanyay saraakiil Al Shabaab oo ah oo lagu tuhmay in ay joogaan.

Weerarka duqeyn loo adeegsaday ayaa ilaa iyo hada la ogeen qasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay meesha waxaana loo ogaan Karin waa dhul howd ah oo ay sida la sheego ku gabaadsadaan Al shabaab.

Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa warbaahinta waxa uu u sheegay in duqeynta ay jirto loona adeegsaday diyaarada balse qasaaraha aan la ogeyn ee kasoo gaaray Al shabaab.

Diyaarado aan la ogeyn wadamada laga leeyahay ayaa duqeyn ka geysta qeybo ka mid ah Soomaaliya waxa ayna sheegaan in ay bartilmaameedkooda uu yahay baacsiga Al shabaab mararka qaarse waxbaa kasoo gaara Shacabka.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR