Somali News

Daawo Sawirada “Xaflad lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka oo Xalay ka Dhacday Magalaada London”

1 of 1 Daawo Sawirada “Xaflad lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka oo Xalay ka Dhacday Magalaada London”
611 Views Date March 15th, 2014 time 7:18 am

Xaflad si Wanagsan loo soo agaasimay oo lagu taageerayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay ka qeyb galeen boqolaal Shacab ah ayaa xalay lagu qabtay Magalaada London ee Dalka Ingriiska .

Xafladaan oo ay ka soo qeyb galayn Dadyoow Aad iyo Aad u badnaa oo Watay calanka Soomaaliya Waxaana Halkaasi ka Hadlay masuuliyiin Aqoon durugsan u leh Sareeye Guute Xasan Maxamed Xuseen Muungaab waxayna dhamaantood cadeeyeen in Muungaab uu kasoo bilaabay meel aad u hoosaysa isla markaana uu halkani kusoo gaaray waxqabad iyo howl karnimo aanan lagu aqoonin madaxda Soomaaliyeed Qaarkood iyagoo u rajeeyey in uu halkii kasoo wadi doono howlaha culus ee hadda loo magacaabay.

Sidoo kale Xafladani mid la mid ah ayaa waxay ka dhacay Dalalka Kenya,Sudan waxayna Xafkadaan Caawa noqonaysaa Xafladii ugu horeysay ee lagu taageero Muungaab oo ka dhacday Magaalada Lodon Ee Dalka Ingriska Waxaana Sidoo kale hadda la qorsheenayaa in xaflado tani la mid ah ay ka dhacaan Magaalooyinka kale ee waa weyn ee dalkaan Ingriiska.




















 


Contact US / NALA SOO XIRIIR