Somali News

Daawo Sawirada”Khadiijo Maxamed Diiriye oo la kulantay Xogyaha Qaramada Midoobay Ban Kin Moon

1 of 1 Daawo Sawirada”Khadiijo Maxamed Diiriye oo la kulantay Xogyaha Qaramada Midoobay Ban Kin Moon
854 Views Date March 15th, 2014 time 7:07 am

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo socdaal shaqo ku joogta dalka Mareykanka ayaa magaalada New York kulan gaar ah kula qaadatay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon.

Wasiiradda ayaa ugu horeyn uga mahad celisay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon qaabilaada iyo soo dhaweynta uu u sameeyey waxaanaay uga warbixisay halka ay marayso xaaladda Haweenka Soomaaliyeed iyo qorshayaasha ay Wasaaraddu u dejisay hormarinta Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha iyo sidoo kale carruurta Soomaaliyeed,ayadoo sidoo kalena ka hadashay qaabka ay u aragto Wasaaraddu iney kula shaqeyn karto amaba uga baahantahay hay’adaha QM.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad u bogaadiyey dadaallada ay Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta xuquuqda Aadanaha wado ee lagu hormarinayo haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed waxaana uu ballan qaaday in QM hay’adaheeda kala duwan ay kala shaqeyn doonaan arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku sugan dalka Mareykanka waxaana ay halkaasi uga qeybgashay kulanka 58-aad ee Haweenka Caalamka kaasi oo ay aheyd markii ugu horeysay oo wafdi metelaya Soomaaliya ay ka qeybgalaan mudo 20 sano ah kadib waxaana sidoo kale Wasiiraddu ay kulammo gaar gaar ah la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga,Wasiirrada Arrimaha Haweenka ee dalalka Norway iyo Talyaaniga.
kha_2


 


Contact US / NALA SOO XIRIIR