Somali News

Daawo Sawirada “ Fanaanada Farxiyo Kabayare oo Ciida Muqdisho dhunkasho ku boobtay kadib markii ay kasoo dagtay Garoonka Aadan Cadde

1 of 1 Daawo Sawirada “ Fanaanada Farxiyo Kabayare oo Ciida Muqdisho dhunkasho ku boobtay kadib markii ay kasoo dagtay Garoonka Aadan Cadde
1505 Views Date March 16th, 2014 time 7:10 am

Fanaanada Codka Macaan aadna looga jecel yahay Dal iyo Dibad Farxiyo Maxamed Kabayare ayaa maalintii shalay waxa ay kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Fanaanada Waxaa garoonka uga hor tagay si weyna usoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Muqdisho , kuwaa oo taageero ah aadna u jecel fanaanada Codka Macaan Farxiya Kabayare.

Farxiyo Kabayare oo ku dhalatay Magaalada Muqdisho ayaa dalka ka maqneed sanado badan oo ay kunooleed Qurbaha , waxaana Markii ay shalay kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde durba dhunkasho ku boobtay ciida Carafta badan ee Soomaaliyeed.

Fanaanada ayaa aad ugu Faraxsaneed in dalkeeda kusoo laabato iyadoo wajigeeda laga dheehanayay Dareen Farxadeeda, Fanaanada ayaa dhaxda ka gashay oo gacan qaaday iyada oo dhoola cadeeneysa qaar badan oo kamid ah dadkii garoonka kusoo dhaweeyay.

Farxiyo Kabayare ayaa la filayaa in Bnadhigyo kala duwan ku qabato Magaalada Muqdisho inta ay joogto , waxa ayna soo bandhigi doonto Heeso Cusub oo isugu jira Wadani iyo Jcaeyl iyo Heeso kale oo macaan oo kamid ah Heesihii ay horey u qaaday.

kabayare_6







 


Contact US / NALA SOO XIRIIR