Somali News

Madaxweynaha Puntland oo ka Hadlay in Soomaaliya ay ka Go,aan iy In Kale.

1 of 1 Madaxweynaha Puntland oo ka Hadlay in Soomaaliya ay ka Go,aan iy In Kale.
394 Views Date March 17th, 2014 time 6:39 am

Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u taagan tahay Midnimada Soomaliya ayna diyaar u tahay in ay wada hadal iyo is faham la yeelato Dowladda Federaalka ee Soomaliya, hadii lagu dhaqmayo Nidaamka federaaliisimka oo Soomaalidu ku heshiisay, sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo u waramayay TVga laga leeyahay Dalka Kenya oo lagu Magacaabo Citizen,.Wuxuu sheegay in aysan marnaba Somalia ka go’ayn sida Somaliland ay sheegato oo kale,

Gaas wuxuu kaloo soo hadal qaaday in Amaanka Puntland uu yahay mid leysku haleen karo oo wax dhibaato ah aysan ka jirin isgoo tibaaxay in ay isaga filan yihiin Kooxaha Argagixisada ah ayna u dhameystiran tahay saanadooda Milatari.

Wuxuu Kooxdii uu u waramayay u xaqiijiyay in ay Dalxiis iyo kormeerba ku tagi karaan Magaalooyinka waa wayn ee Puntland sida Gaalkacyo, Garoowe iyo Magaalada Boosaaso oo nabad buuxda ay ka jirto.

Ciidanka Kenya ee ku sugan Dalka Soomaliya qaasatan Gobollada Jubbooyinka oo Su’aalo laga waydiiyay ayuu tilmaamay in ay soo dhawaynayaan Joogitaankooda Dalka iyo hawsha ay ka hayaanba.

Wuxuu caddeeyey in uusan ku fikir ahayn dadka diidan Ciidanka Kenya uuna aaminsan yahay in ay wax badan oo la taaban karo ay ka qabteen Maamulka Jubba ayna ka sifeeyeen Inta badan Goobahaasi Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, sida uu isaga rumeysan yahay

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR