Somali News

Qaraxa Saakay ka dhacay Laamiga ugu Mashquulka badan Magaalada Muqdisho ee Maka Al-Mukarama

1 of 1 Qaraxa Saakay ka dhacay Laamiga ugu Mashquulka badan Magaalada Muqdisho ee Maka Al-Mukarama
450 Views Date March 17th, 2014 time 6:43 am

Waxaa Saakay Qarax Miino uu ka dhacay laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, Qaraxaa ayaa la sheegay in lagu xiray Mid kamid ah Baalayaasha cad ceeda kushaqeeya ee kuyaala Laamigaasi.

Qaraxa Miino ayaa la sheegay in saakay Salaadii subax kadib lagu xiray Baalaha Numberkiisu yahay 41- ee kuyaala Laamiga Maka Al-Mukarama oo ah laamiga ugu mashquulka badan Muqdisho amaankiisana si aad ah loo adkeeyo.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka agdhawaa Baalaha la qarxiyay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi , waxaa sidoo kale bur bur xoogan uu kasoo gaaray Qarxaaasi Miino baalihii lagu xiray.

Laamiga Maka Al-Mukarama waxaa kusugan Ciidamo badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya , waxaana la isweediinaya sida ay ku fududaatay in Miino lagu xiro kadibna lagu qarxiyo mid kamid ah Nalalka Cad ceeda ku shaqeeya ee kuyaala Laamigaasi .

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR