Somali News

Suuqii Kawaanka Degmada Hiliwaa oo maanta Xiran

1 of 1 Suuqii Kawaanka Degmada Hiliwaa oo maanta Xiran
534 Views Date March 17th, 2014 time 2:53 pm

Muqdisho: Suuqii Kawaanka Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa Saaka gabi ahaanba Xiran kadib markii ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Degmada Hiliwaa in Canshuur Xad dhaaf ah uu Maamulka Hiliwaa uu ku soo rogay.

Mid kamid ah Ganacsatada Suuqa Degmada Hiliwaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamulka Degmada Hiliwaa uu ku Amray in Lacag gaareysa 25 Dolar oo Lacagta Mareykankaa in laga Qaado Suuqa,halka ay Ganacsatadii ay ka Biya diideen Bixinta lacagtaasi Maamulku uu ku soo roray sida ay sheegeen.

Suuqa ayaan saaka la keenin Wax Hilb ah,waxaana Dadka Degmada Hiliwaa ku nool Saameeyn uu ku yeeshay Xiritaanka Suuqa Kawaanka Degmada Hiliwaa.


Contact US / NALA SOO XIRIIR