Somali News

Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo maanta kusii jeeda mid kamid ah Degmooyinkii dhawaan Al-Shabaab laga saaray

1 of 1 Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo maanta kusii jeeda mid kamid ah Degmooyinkii dhawaan Al-Shabaab laga saaray
309 Views Date March 17th, 2014 time 6:53 am

Waxaa Maanta lagu wadaa in Degmada Xudur ee Dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM in ay gaaraan Wafdi Wasiiro ah oo katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya .

Wafdiga Wasiirada ah ee kusii jeeda Degmada Xudur waxaa Hogaaminaya Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulaahi Goodax Barre, waxaana safarkiisa ku wehliya Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan.

Degmada Xudur waxaa xiligan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Wasiirada ee la filayo in saacadaha soo aadan gaaraan Degmada Xudur . waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka Degmadaasi.

Garoonka Diyaaradaha Degmada Xudur waxaa kusugan Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Bakool kuwaa oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta Wasiirada kasocda Xukuumada Soomaaliya.

Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka ayaa maalmo kahor waxa ay ka baxday gacanta Xarakada Al-Shabaab waxaana la wareegay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM .

Wasiirada kasocda Xukuumada Soomaaliya ee maanta ku wajahan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee u socdaala Degmooyinka iyo Deegaanada dhawaan laga qabsaday Xarakada Al-Shabaab.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR