Somali News

Afhayeenka Alshabaab oo digniin kale siiyay saraakiisha Puntland

1 of 1 Afhayeenka Alshabaab oo digniin kale siiyay saraakiisha Puntland
496 Views Date March 18th, 2014 time 8:14 am

Ururka Al-Shabaab ayaa hanjabaad hawada umariyay Saraakiisha Maamulka Puntland oo a ugu hanjabeen inay marsiin doonaan wadadii uumaray Taliyihii ciidamada Daraawiishta Aaga Gal-gala ee Puntland.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta Shabaabka, ayaa wuxuu sheegay in Saraakiisha Maamulka Puntland uu usheegayo inay ka waantoobaan sida uu yiri falalka ay ku jiraan.

Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in dadka ku jira Xabsiyada Maamulka Puntland ay u aargudi doonaan oo ay tallaabo ka qaadi doonaan Maamulka Puntland.

Sidoo kale afhayeenka Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka uu usheegayo inaysan ku hungoobin arimaha Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in dhibaato ay kasoo gaari doonto dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday gaadiid AMISOM ah oo galaye xerada ciidanka Carbiska ee Gobalka Shabeelaha hoose.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR