Somali News

Ayaamo.com oo Sawirro Cusub ka heshay Sh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira

1 of 1 Ayaamo.com oo Sawirro Cusub ka heshay Sh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira
779 Views Date March 18th, 2014 time 7:42 am

Ayaamo.com Waxay idiin soo Gudbineysaa sawirro cusub oo laga soo qaaday Sheekh Xassan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dib markii Sheekh Xassan Daahir Aweys uu naftiis kala soo cararay kooxda  Al-shabaab kadibna Gacanta u soo galay DF.

Masawiradda Sheekh Xassan Daahir Aweys ee aan helnay, ayaa waxaa SheekhXassan Daahir Aweys looga soo qaaday mobile.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa waxaa ka muuqda caafimaad wanaagsan mana jirto wax dhib ah oo ka muuqda, waxaana uu muujinayaa dhoola caddeyn mararka qaar.

Sawirrada cusub, ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee Xassan Daahir Aways laga helo muddo dhowr sano ah, waxaana ay muujinayaan isaga oo adeegsanayo laptop iyo telefon gacmeed.

Xasan Daahir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa weli u socda wada hadalo la doonayo in Shiikha lagu siidaayo waxaan Xabsiga intii uu ku xirnaa soo booqday culimo kale duwan iyo dad ay ehel yihiin.

Xasan Daahir, oo muddo xabsi ku jiray, ayaa loo soo wareejiyey xabsi guri.

Sawirrada cusub ee Xasan Daahir Aweys

aweys-3Photo0058-1024x768Photo0059-1024x768


Contact US / NALA SOO XIRIIR