Somali News

Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay Gaari waxyaabaha qarxa lasoo saaray iyo ragii watay watay

1 of 1 Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay Gaari waxyaabaha qarxa lasoo saaray iyo ragii watay watay
382 Views Date March 18th, 2014 time 6:59 am

Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo midkood Soomaali yahay halka kan kalana la sheegay in uu yahay Kenyan, kuwaa oo xiliga la qabanayay watay gaari waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen.

Labadan Ruux iyo gaariga ay wateen ayaa Ciidamada Booliiska waxa ay ku qabteen Magaalo Xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya , waxaana lagu eedeeyay labadan ruux in ay doonayeen fulinta Weeraro Argagaxiso.

Taliyaha dambi baarista magaalada Mombasa Henry Ondiekh ayaa sheegay in labadan Ruux ee la qabtay gaariga ay wateen laga http://premier-pharmacy.com/product-category/alcoholism/ helay Bambaanooyin nuuca gacanta lagu sameeyo iyo Moobeelo la doonayay in loo isticmaalo qaraxyadaasi.

‘’ Ma ogin wali Halka Bartilmaameedka u ahaa labadan Ruux ee la qabtay ,waxaan hada gacanta ku haynaa Eedeesanayaasha iyo gaarigii ay wateen ,waxaan baaritaan ku wadnaa waxa ay yihiin labadan qof iyo bartilmaameedka weerarkooda ‘’ ayuu yiri Henry Ondiekh.

Booliiska Dalka Kenya ayaa adkeeyay amaanka dalkaasi tan iyo waxii ka dambeeyay Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi halkaas ay ku dhinteen ilaa 67-qof.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR