Somali News

Daroogo iyo khamri laga helay saldhig Shabaab ku lahaayeen Buuloburde (VIDEO + SAWIRRO)

1 of 1 Daroogo iyo khamri laga helay saldhig Shabaab ku lahaayeen Buuloburde (VIDEO + SAWIRRO)
721 Views Date March 18th, 2014 time 8:29 am

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo baryahan baaritaano ka waday saldhigyadii Shabaab ay ku lahaayeen degmada Buuloburde ayaa waxaa mid ka mid ah ay ka heleen darooho iyo khamri ay sheegeen in ay iyaga cabi jireen.

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda ee baaritaankan qeybta ka ahaa ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab in ay ka been hseegeen diinta islaamka islamarkaana ay khamri iyo daroogo ku isticmaali jireen saldhigyada ayna sidoo kale gabdhaha ku kufsan jireen.

DAAWO FILMKA:

Sarkaalkan oo warbaahinta kula hadlay goobta muqaadaraadkan ay kusoo bandhigeen ayaa sidoo kale sheegay in tacadiyadaha ay shacabka kula keceen ee loo sheegay ay ka xanuun badan yihiin waxa ay maanta kusoo bandhigayaan halkan.


Contact US / NALA SOO XIRIIR