Somali News

Faah faahin Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay afka hore Xerada Carbiska

1 of 1 Faah faahin Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay afka hore Xerada Carbiska
377 Views Date March 18th, 2014 time 7:15 am

Maamulka sare ee Amisom ayaa ku waramaaya in gelinkii dambe ee maanta weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidanka Amisom xilli ay gelayeen Xarunta ay ku lee yihiin Deegaanka Carbiska, ee Duleedka Degmada Afgooye e Gobalka Shabeelada Hoose.

Masuul Sare oo ka Tirsan Ciidanka Amisom oo Lagu Magacaabo Korneyl Cali Aadan Xumad oo ah Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa wuxuu sheegay in nin la socday gaari nooca raaxada ah uu damcay in uu soo dhex galo gaadiidkii ay la socdeen Ciidamadooda laakiin ay toogasho ku dileen Sida uu ku Waramay Afhayeenka

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku Sheegay in Ciidamadoodu ay si feejigan u wajaheen ninka fuliyay weerarka ismiidaaminta ah, wuxuuna sheegay in uu isqarxiyay, ka gadaal markii ay toogteen Ciidanka Amisom.

Afhayeenka oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wax laga weydiiyay khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray, wuxuuna sheegay inaanay waxyeelo kaba soo gaarin Ciidankooda.

Dhanka kale Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dhinaca Siyaasada C/laahi Muuse Abuukar ayaa wuxuu sheegay in gaariga qarxay uu ku qarxay ilinka hore ee Xerada Amisom ee Deegaanka Carbiska, ee Duleedka Degmada Afgooye e Gobalka Shabeelada Hoose.

Wuxuna Kalo Sheegay C/laahi Muuse Abuukar oo la hadlay Idaacadaha Maxaliga ah ee Magaalada Muqdisho in weerarkaan ay ku dhinteen ilaa afar askari ah oo aan carababin in ay Yihiin Soomaali iyo Inkale.

Ugu Danbayntii Sarkaal ka Tirsan Xarakada Al Shabaab oo la hadlay bogga afkooda ku hadla ayaa sheegay in weerarkaan ismiidaaminta ah ay ku dileen Saraakiil u dhalatay dalka Mareykanka iyo weliba Amisom ayna ku Dhaawacayn in Ka badan Toboneeyo Ciidanka Amisom ah
Wixii Warar ah eek u Soo Baxa Amuurahaan Kala Soco Wararkayaga Danbo Insha Allah

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR