Somali News

Banaanbaxyo Cabasho ah oo maanta ka dhacay Qeybo kala duwan oo kamid ah Muqdisho

1 of 1 Banaanbaxyo Cabasho ah oo maanta ka dhacay Qeybo kala duwan oo kamid ah  Muqdisho
449 Views Date March 19th, 2014 time 3:03 pm

Waxaa Maanta Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho dibax bax cabasho ah ka dhigay qaar badan oo kamid ah Wadayaasha Mootooyinka Sadax Lugooleyda ee loo yaqaan (Bjaaaj) kuwaa oo ka cabanayay Shaqo joojin lagu sameeyay.

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa ka cabanayay qab qabasho ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya , waxa ayna tilmaameen ilaa hada in aysan garaneyn sababta loo qab qabanayo loona xirayo .

Mid kamid ah Darawalada Mootooyinkaasi ayaa sheegayin ay shaqo la’aan yihiin maalintii labaad, waxa uuna tilmaamay in ay heestaan Sharciyada gaadiidka sida Taargada iyo Leesinka , waxa uuna intaa raaciyay in aysan garaneyn sababta bartilmaameedka looga dhigtay.

Taliska Taraafikada Gobolka Banaadir oo la tilmaamay in ay ka dambeeyaan qab qabashada Mootooyinkan mudooyinkii dambe kusoo batay magaalada Muqdiso ayaan wali ka hadlin waxa lagu heesto loona bartilmaameedsanayo Mootooyinkan.


Contact US / NALA SOO XIRIIR