Somali News

Howlgal ka dhan ah mootada Bajaajka

1 of 1 Howlgal ka dhan ah mootada Bajaajka
403 Views Date March 19th, 2014 time 7:14 am

Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada ka Aruuriyey Mootooyinka Saddexda Lug leh ee looyaqaano Bajaajka.’

Howlgalkaan ka dhankaa Mootooyinka Bajaajkaa ayaa waxaa Shalay ilaa Xalay Magaalada ka sameenayey Ciidamada Amaanka,ayadoona lageenayey Xarunta Taraafikada ee Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Wadayaasha Mootooyinka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan ogeen ujeedka loo aruurinayo,laakiin waxaa ay sheegeen Amarka uu ka soo baxay Taliyaha Guud ee Ciidamada Ilaalada wadooyinka Cali Xirsi Bare “Cali Gaab”.

Mootooyinkaan ayaa waxaa Bilawgii Sanadkii 2013 ay ku soo bateen Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka,waxaana Wadad ugu badan oo ay Isticmaalaan ay tahay Maka Al-mukaramma.

Wali lama oga Sababata loo Aruurinayo Mootooyinkaasi,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka Muqdisho.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR