Somali News

Sacuudiga oo Mamnuucay in ubadka ku dhasha Dalkaasi loo bixiyo 51-Magac (Magacyadee kamid ah kuwa la diiday)

1 of 1 Sacuudiga oo Mamnuucay in ubadka ku dhasha Dalkaasi loo bixiyo 51-Magac (Magacyadee kamid ah kuwa la diiday)
457 Views Date March 19th, 2014 time 2:45 pm

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucday magcyo gaaraya 51-Magac in loo bixiyo ubadka u dhashay Dalkaasi, iyadoona loogu hanjabay Waalidiinta jabiya amarkan Cusub in Maxkamad lasoo taagi doono.

War Saxaafadeed ay soo saartay waaxda diiwaangelinta madaniga ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu mamnuucay in ubadaka ku dhasha Dalkaasi loo bixiyo magacyo aysan asal u laheyn Boqortooyada.

Waalidiinta Dalka Sacuudiga ayaa loogu baaqay in aysan Ubadkooda u bixin magacyada aysan asalka u laheyn dadyowga udhashay Dalkaasi , waxaana la tilmaamay in Muhiim tahay in ubadka loo bixiyo magacyada dhaqanka u ah Sacuudiga.

Magcyada la mamnuucay in ubadka u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya loo bixiyo waxaa kamid ah, Malak, Cabdul Ati, Cabdul Nasser, Cabdul Mosleh, Nabi, Nabiya, Emir, Somu, Al-Mamlaka, Malika, Mamlaka, Tabaraka, Nardeen, Maya, Linda, Randa, Basmalah, Tuleen, Arm, Nareej, Rital, Als, Sandi, Rama, Maleen, Eleen, Alas, Ainar, Loran, Malkiteena, Lareen, Kibriyal, Laureen, Binyameen, Narees, Yara, Sitaf, Aileen, Loland, Tilaj,

Diidma Magacyadan ayaa loo tiriyay in aysan sal iyo raad toona ku lahayn dhaqanka Boqortooyada Suucuudiga , waxaana la tilmaamay in qaarkood laga soo min guuriyay wadamo kale oo dunida ku yaal.


Contact US / NALA SOO XIRIIR