Somali News

Al-Shabaab oo Go’doomisay mid kamid ah Degmooyinkii dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM

1 of 1 Al-Shabaab oo Go’doomisay mid kamid ah Degmooyinkii dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM
502 Views Date March 20th, 2014 time 6:47 am

Wararka aan ka heleyno Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Degmadasai ay go’doomiyeen ayna u diideen in ay galaan gaadiidka ganacsi Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee dhawaan laga saaray Degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay kusugna yihiin Deegaano aan ka fogeyn Degmada Xudur , waxa ayna gaadiidka Degmadaasi gali jiray ay wada alaabaha ganacsi ku amreen in aysan gali Karin wax raashin ahna aysan geen Karin Degmadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Axmed Tool ayaa qiray in Al-Shabaab ay amreen in gaadidka ganacsi aysan Xudur gali Karin , waxa uuna dhankiisa ku hanjabay in tilaabo ka qaadi doonaan gaadiidka ganacsi ee Degmada ka weecda qaatana amarka Al-Shabaab.

‘’Waxaan u sheegayaaganacsatada http://premier-pharmacy.com/product-category/anti-inflammatories/ gaadiidkooda ka weeciya Degmada Xudur qaatana amarka Al-Shabaab inaan la wareegi doono gaadiidkooda iyo alaabta saaraan, Waxii raashin ah ee saran gaadiidka aan qabanao waxaan ku wareejin doonaan Shacabka ‘’ ayuu yiri Gudoomiye Tool.

Go’doominta Al-Shabaab kusoo rogeen Degmada Xudur ayaa saameyn badan waxa ay ku yeelatay dadka Shacabka ee ku dhaqan Degmada Xudur , waxaana lasoo sheegayaa in durbo raashinka iyo alaabaha kale ee Muhiimka ah sicirkooda uu kor u kacay.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa dhawaan AL-Shabaab waxa ay kala wareegeen Degmada Xudur , Al-Shabaab ayaana uga gon leh Qorshahan ay ku go’doominayaan Degmada Xudur in aysan sahay helin Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee jooga Degmadaasi.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR