Somali News

Baydhabo Ha Kala Doorato Laba Maamul Midkood

1 of 1 Baydhabo Ha Kala Doorato Laba Maamul Midkood
633 Views Date March 20th, 2014 time 7:29 am

Dowladaha ka abuurma gobolada dalka oo salka ku haya qabiilka kama turjumayaan nidaam wanaagsan oo shacabka degaanka iyo Soomaalida kale ku maamula xaqsoor ay u siman yihiin xuquuqda wada noolaashaha ka dhexeysa Soomaalida ku dhalasho tirsata degaanada kala duwan.

Deegaanka Jubada Sare waxay gobol u tahay Soomaali kala abtirsi duwan oo ku midoobey afka Mayga. Taas waxey muujineysaa iney ka horumarsan yihiin Soomaalida inteeda kale oo weli ay adag tahay iney isku dhexgalaan afka Soomaaliga oo ay wadaagaan awgeed, dadka reer koofureedkuna u yaqaanaan Maxay.

Baydhabo uma haboona iney beelaha ku hadla afka Mayga ay hal maamul isugu keenaan, taas oo u muuqata laablakac aan run loo rogi karin. Muqdisho dadka maanta ugu tirada badan oo ku nool waxey ka soo qaxeen Jubada Sare oo intooda badan si rasmiya uga mid noqday shacabka Muqdisho. Sidaas ayeysan maangal ku ahayn in dhamaan dadka ku hadla afka Mayga iyo degaanada ay Soomaalida kale la wadaagaan in laga wada xukumo Baydhabo

Waxaa suurtogal ah in la mideeyo Jubada Hoose iyo Jubada Sare, loona dhiso maamul dowladeed ay ku wada dhan yihiin Soomaalida ku wada nool degaanadaas kala duwan. Hadda saadaasha ka muuqata Kismaayo iyo Baydhabo midna kama turjumayo dhaqan dowladnimo oo wanaagsan, laakiin waxaa ka soo muuqata tusmo tilmaameysa in degaanadaas qaab dowladeed lagu doonayo in beelo gaara lagu lahaansiiyo.

Muqdisho waa caasimada Soomaalida, waana magaalada ay degen yihiin Soomaalida ugu tirada badan oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka, waxeyna hooy u tahay dowlada dhexe oo xaruumahooda waaweyn ay ku yaalaan, waxaana sidoo kale magan u ah shisheeyaha ugu badan ee ku nool dalka iyo wakiilada hayadaha caalamka iyo diblomaasiyiintaba. Sida addunka oo dhan laga yaqaano, magaalo madaxda dal waa in qiyaasta 200 km dhulka ku wareegsan ay maamul ahaan hoos yimaadan caasimada si difaaca cirka, dhulka iyo bada uu u noqdo mid amaankoodu sugan yahay,maamulkooduna hal meel ku mideysan yahay.

Taas waxeysan ka fursaneyn in qeybo ka mid ah Gobolada Shabeele iyo Jubada Sare ay la midoobaan maamul awoodiisa laga xakameyn karo caasimada. Taas waxey ka dhigeysa maamulka degaanadaas ay ku midoobaan mid ay ku dhan yihiin Soomaali kala abtirsi duwan oo nidaam dowladnimo wax ku wadaaga, dowlada dhexena waxey kalsooni u siineysaa iney si buuxda u damaanad qaado dhowrista hantida sokeeye iyo tan shisheeye iyo amaanka malaayinta ku nool caasimada oo ajnebi iyo Soomaaliba isugu jira.

Waxaa la xaqiijiyey magaalooyinka ay degen yihiin Soomaalida kala degaanka duwan inay ka degenaansho wanaagsan yihiin, kana horumar badan yihiin kuwa ay isku koobeen beelo gaara. Magaalooyinka Soomaaliya ugu caansan sida Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, Marka, iyo Xamar waxaa horay u mariyey oo maalgeliyey Soomaali kala duwan oo degaanadaas aan u dhalan.

Baydhabo hadda ka hor waxaa mariin habaabiyey siyaasiyiin damacoodu ahaa danahooda shaqsiyadeed oo ah iney qabiil kula xisaabtamaan saddexda qabiil oo Soomaalidii hore la hartay, waxeyna u soo alifeen isbaheysiga D&M oo ka soo horjeeda isbaheysiga ku dhisnaa afka Mayga. Ujeedada ka dambeysey tolweyneynta beelaha magacaas lagu mideeyey waa in degaanka aysan wax xuquuqa ku yeelan Soomaalida ka timid degaanada kale oo baratay iney ku hadasho afka Mayga. Odeygii u ololeyn jirey aragtidan salka ku haysa beelnimada D&M wuxuu xambaarsanaa fikrad lagu qiyaamayey gobonimada Soomaaliyeed,taas oo muujineysey in degaanada u dhexeeya labada webi in Soomaalida inteeda kale ay ka noqdaan gooni si loogu aqoonsado lahaanshahooda tolweynahaas, wuxuuna ku haminayey maamul federaala oo Talyaanigu kor ka maamulo 30 sanno xoriyada kadib.

Dhibaatada ka taagan Baydhabo waa mid ku adag maangalka Soomaalida u dhuun daloosha dhismaha maamulka wanaagsan. Dad aan wax qorin, waxna akhrin oo hugan darajada madax-dhaqameedka ayaa soo diyaariyey, qaar kalana ay soo diyaarinayaan doorashooyin lagu soo xulayo dad aan aqoon u lahayn maamulka dowlada. Haddii la dhisayo maamul dowladnimo oo degaan uu yeelanayo waa in la soo xulaa aqoonyahan cilmi durugsan u leh aqoonta maamulka la xiriirta hogaaminta dowladnimo.

Madaxda u soo baxday shacabka ku nool waqooyi galbeed(Somaliland), waqooyi bari(Puntland), iyo Muqdisho waa kuwo lagu soo xushay aqoontooda, lagana sugayo garasho badan iney wax ku maamulaan. Baydhabo waxey talo raacday Kismaayo oo si dirqisa uu madax uga noqday hogaamiye beeleed aan waxba ka fahamsaneyn dhaqanka maamulka. Rajada Soomaalida ayaa salka ku haysa in madaxda aqoonyahanka ah inay dalka guud ahaan ka curiyaan isbedel looga guurayo maamulxumadii dalka soo martay,ayna yihiin kuwo ay sareyso tayada ay ku geli karaan wada hadalka ay la yeelan karaan madaxda kale ee Soomaalida oo ay kawada dhaxeyso danta guud ee dalka.

Baydhabo waxaa la gudboon ineysan dib ugu noqon hogaanxumida ku saleysan beelnimada oo ay horkacayaan dad horay ugu soo guuldareystay xilalkii ay horay uga soo qabteen maamuladii ku meel gaarka. Waxaa sidoo kale horyaala iney ka fekeraan sida ugu caqligalsan oo ay u kala dooran lahayeen iney maamul u dhisaan Bay iyo Bakool ama ay la midoobaan Jubada Hoose.

Xisbiga Dadka wuxuu aad uga walaacsan yahay faragelinta ciidamada Kenya iyo Itoobiya ay ku hayaan dhisida maamulo aan tayo lahyn oo shacabka degaanadaas loogu qasbayo madax ay liidato aqoontooda hogaanimo, kuwaas oo u kala adeegaya danaha Kenya iyo Itoobiya ay ka kala leeyihiin maamulista degaanadaas. Waxaan qarsooneyn Itoobiya bartilmaameedkeedu inuu yahay dekedaha Marka iyo baraawe, waana taas fikirka ay had iyo jeer ku adkeystaan shaqsiyaadka taabacsan Danaha Itoobiya oo ah iney dhisayaan dowlad ka kooban saddex gobol. Waxey sidoo kale Kenya aysan la gamban iney daneyneyso dhul badeedka Soomaaliyeed ee ka ag dhow Lamu, xeebtaas Soomaaliyeed badeeda oo baaris kadib lagu ogaadey iney dhex dureeraan shidaal baaxad weyn.

Xisbiga Dadka wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Bay iyo Bakool iney ka fiirsadaan halista ay wataan shaqsiyaadka ku tiirsan danaha deriska iyo kuwa aan cilmiga u lahayn maamul wanaaga dowladnimada. Xiliogii gumeysiga, Talyaaniga oo daneynayey dhulka beeraha haddii uu ku guuleysan lahaa inuu 6 malyan dejiyo dhulka u dhexeeya labada webi, 30 sannana uu sii xukumo Soomaaliya, ma suurtowdeen odayaashii Talyaaniga taageersana dhulka ay doonayeen in Soomaalida gooni ay ugala cararaan iney calfan lahayeen. Ineysan sidaas dhicin waxaa abaalkeeda lahaa oo mutay in lagu qadariyo waxey ahayeen waxgaradkii gobonimadoonka ka soo kala jeedey dhamaan gobolada Soomaalida oo fahmey dhagartaas, kana soo horjeestey dhaqan galka fikirkaas lagu dhaxal wareejinayo milkiyada dhulka u dhexeeya labada webi. Sidaas oo kale hadda waxaa la mida  fikirka ay xambaarsan yihiin shaqsiyaadka taageersan danaha Itoobiya iyo Kenya oo ay hubaal tahay iney u gacan gelinayaan wadamadaas ayaaha mustaqbalka dhul xeebeedka koofureed haddii Itoobiya iyo kenya raga ay wataan aan laga hortagin, kuwaas oo ujeedadoodu ay tahay iney dano shaqsiyadeed ku bedeshaan iney ku dhaxal wareejiyaan jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka dhow soo kacaya.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR