Somali News

Daawo Sawirada: Banaabax Balaaran oo ka dhacey Jowhar

1 of 1 Daawo Sawirada: Banaabax Balaaran oo ka dhacey Jowhar
462 Views Date March 20th, 2014 time 2:17 pm

Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe ka dhacay dibad bax balaaran ay dhigayeen ganacsatada iyo shacabka kunool Magaaladaasi kuwaa oo ka cabanayay ciidamada katirsan Dowlada oo dhac ka geestay Suuqa Jowhar

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan Ciidanka Dowlada ee dhaca u geestay iyo sidoo kale maamulka Degmada Jowhar ,dadka dhigayay dibad baxa ayaa socod ku maray meelo badan oo katirsan Jowhar.

Qaar kamid ah ganacsatadii dibad baxa dhigayay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Ciidamo katirsan dowlada oo xili dharaar cad shalay dhac u geestay nin sarifla ah kana qaatay lacag gaareysa 10-milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.

Maamulka Magaalada Jowhar oo la hadlay dibad baxayaasha ayaa ka codsaday in ay isdajiyaan ganacsigoodana dib u furaan ,Maamulka ayaa sheegay in ay baaritaano ku wadaan ciidamada Dwlada ee dhaca shalay ka geestay Suuqa Magaalada Jowhar.

Waxaa Maanta inta badan xiran ganacsigii Suuga Jowhar , ganacsatada ayaana shuruud uga dhigay in ganacsigooda furaan in marka hore Maamulka uu sharaxaad ka bixiyo dhacii shalay Ciidamka Dowada ka geesteen Suuqa Jowhar.








 


Contact US / NALA SOO XIRIIR