Somali News

Daawo Sawirada Mashaariicda Dib u dhiska ee Hay’adaha DowladaTurkiga ka wadaan Magaalada Muqdisho

1 of 1 Daawo Sawirada Mashaariicda Dib u dhiska ee Hay’adaha DowladaTurkiga ka wadaan Magaalada Muqdisho
577 Views Date March 20th, 2014 time 7:00 am

Hay’adaha Turkiga ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa Caasimada waxa ay kawadaan mashaariic kala duwan oo dalka lagu hor marinayo, sidoo kale wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed oo mudo Sanado ah Dowlad la’aan ku jiray.

Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa kasocda Mashaariic aad u muhiimsan oo wax badan ka taraya hormarka Magaalada ,waxaana la dhisay oo laamiyo qurux badan la saaray qaar badan oo kamid ahaa laamiyadii ku bur buray Dagaalada sukeeye.

Qaar kamid ah Laamiyadii dhawaan la dhisay gaar ahaan Laamiga Maka Al-Mukarama ayaa hada waxaa mar kale ka hilowday gacantii labaad oo laami lagu saarayo , waxaana horey loo saaray laami ,mid kale ayaana hada bilowday in lasii saaro.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa aad ugu faraxsan una soo dhaweeyay dadaalada ay Dowlada Turkiga gacanta kusiineyso Dadka Soomaaliyeed uguna dhiseeso Meelo badan oo mmuhiim ah oo bilicda Magaalada Muqdisho ka qeyb qaadanaya.

tarr_5














Contact US / NALA SOO XIRIIR