Somali News

Shil Naxtin leh oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

1 of 1 Shil Naxtin leh oo dad badan ku dhinteen oo  ka dhacay Muqdisho
467 Views Date March 20th, 2014 time 2:22 pm

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay qaar kale oo badana wey ku dhaawacmeen ka dib markii shil gaari uu maanta ka dhacay degaanka Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari xamuul ah oo waday shamiinto fara badan ay la duntay boosaneer ama musqul wado uu marayey dhinaceeda ku tiilay, taasoo keentay inuu rogmado.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga xamuulka iyo shamiintadii daadatay ay ku dul fariisteen xubno ka tirsan qoys degenaa guriga ay musqushaas ku tiilay iyo dad kale oo wadada marayey.

“Goobtan waxaa ka dhacay masiibo, ugu yaraan shan qof meydkooda waa la hayaa, qaar kale oo iney dhinteen looga cabsi qabana weli waxay ku hoos jiraan gaariga rogmaday iyo shamiintada ka daadatay” ayuu intaa ku daray goob jooge halkaas ku sugan.

Waxaa socda gurmad ay sameynayaan dadka degaanka oo la doonayo in lagu soo saaro dad weli ku hoos jira gaariga rogmaday iyo shamiintada, iyadoo ay goobtaas gaareen gudoomiyeyaasha degmooyinka Dayniile iyo Hodan oo wata ciidamo iyo gaadiid ka qeyb qaadanaya gurmadka halkaas ka socda.


Contact US / NALA SOO XIRIIR