Somali News

mooshin ka dhan ah gudoomiye jawaarey oo si xoog leh muqdisho uga socda

1 of 1 mooshin ka dhan ah gudoomiye jawaarey oo si xoog leh muqdisho uga socda
578 Views Date March 21st, 2014 time 4:31 pm

Mooshinkaan oo ay wadaan Xildhibaanada Iyo Madaxda DAMJADIID ayaa waxaa Qorshihiisu yahay in loogu taqluso Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaarey.

Jawaaari & Madaxweynaha Soomaaliya Hogaanka Sare ee Kooxda DAMJADIID ayaa dhabarka is aadiyey kadib markii ay soo shaac baxdey in Maamul 3 Gobol oo Shariif Hassan Wato ay soo Ifbaxdey taasoo jawaarey Diidey oo uu yiri Aniga aya la iiga dambeynayaa wax alaale wixii ku saabsan Reer Arlaadii .
Jawaarey ayaa wuxuu keeney JINKAAN 3 Ah kaasoo Markii Baydhabo Odoyaashii Ula Tagay ay ka diideen 24 saac is jiid jiid kadib ay ku qasbeen Inuu ADc tago oo taageero Shirkii 6 da kaasoo af ahaan utaageerey laakiin Qalbi ahaan iyo Talaabo ahaanba ka gaabiyey Jawaarey.
Jawaarey ayaa wuxu kusoo Guul dareystey ka dhaadhicinta Dadkiisa Maamul 3 Gobol ah iney sameystaan Laakiin Shariif Hassan oo Baylo Gaad ah ayaa arinkaasi Durbaba Aduunka ula tagey kana Soo gatay , Khilaafkaan ayaa waxaa soo ifbaxay madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii dowladana ay taageertey Shirka Bakiin ee Shariifka wado taasoo abuurtey isasalaamid la’aan iyo is diiditaan xoogan .
Madaxweyaha aya xulafadiisa wuxuu ku amrey Saaka iney bilaabaan Abaabulka Mooshin adag oo laga keeno Gudoomiye Jawaarey kaasoo ay u badan tahay Inuu Daadka Raaci doono Jawaarey oo aan saaxiib dhow iyo mid dheerba aanu la aheyn dadkiisa oo wax kasta markay ula imaadaan hordhigey SHARCIGA SAAS MA QABO; IYO SHARCIGAAN TIXGELINAA ANIGA!.

Contact US / NALA SOO XIRIIR