Somali News

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay adag tahay in si fudud xilka looga qaado (Yaa kamid ah)

1 of 1 Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay adag tahay in si fudud xilka looga qaado (Yaa kamid ah)
813 Views Date March 22nd, 2014 time 7:47 am

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa durba bilaabay in uu xilka ka qaado mid kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoona maalmaha soo aadan la filayo in qaar kale iyana xilka laga qaado.

Wareegto dhawaan kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Shibis Daa’uud Cabdulle Max’uud , waxaana Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Shibis loo Magacaabay C/fataax Nuur Cali (Yaanyo) oo la sheegay in uu yahay Nin dhalinyaro ah oo wax kasoo bartay Dalka Sudan kana mid ah Ururka Dam Jadiid.

Magaalada Muqdisho ayaa aad looga hadal hayaa Xil kaqaadista uu Bilaabay Gudoomiye Muungaab , waxaana Shacabka Muqdisho ay aad iskuweediinayaan cida xigi doonto oo hadana xilka laga qaadi doono.

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay adkaan doonto in si fudud xilka looga qaado , Gudoomiyaashaas ayaa la sheegay in ay saameyn badan ku leeyihiin Degmooyinka ay maamulaan.

Xubanaha la tilmaamay in ay adag tahay in lagu dag dago Xilkana laga qaado ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Wadajir ,Hool Wadaag , Yaqshiid , Dharkeenley iyo Wardhiigley.

Gudoomiyaashan ayaa ah kuwa aad u hubeesan hadan taageero badan ku leh Degmooyinka ay maamulaan , waxaana saameyn ku yeelan karta hadii xilka laga qaado Gudoomiyaashan iyaga oon la qancin amaanka Degmooyinka ay maamulaan.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Daaci , Gudoomiyaha Howlwadaag Jacfar , Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle iyo Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid Muxudiin Jurus ayaa ah Gudoomiyaal aad u hubeesan oo leh Ciidamo gaar ah oo iyaga ka amar qaata.

Gudoomiyaashan ayaa sidoo kale kamid ah kuwa ugu wax qabadka badan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxa ayna ku guuleesteen furitaanka jidad mudo xirnaa iyo bur burinta Goobaha Sharci darada ah.

Warar Hoose oon helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaashan saameynta badan qaarkood aan lagu deg degeen xilk ka qaadistooda balse waqtiyada iyo maalmaha soo aadan xilka laga qaadi doono Gudoomiyaal Degmo oon saameyn badan laheen.


Contact US / NALA SOO XIRIIR