Somali News

Tuugada Soomaalida Ee Magaalada Cape Town Tol La’aan Ma ahan (Qormo Xaqiiqo ah)

1 of 1 Tuugada Soomaalida Ee Magaalada Cape Town Tol La’aan Ma ahan (Qormo Xaqiiqo ah)
1533 Views Date March 22nd, 2014 time 7:31 am

Xaafada Bellville Ee Magaalada Cape Town Waxa Dagan Soomaali aad u Fara Badan Qiyaas rasmi ah lagama hayo tirada ay dhan yihiin, laakiin waxaa la sheegaa inta xaafada dagan in ay ka badan yihiin shan kun oo ruux 5,000 oo ruux oo soomaali ah una badan ganacsato

Waxaa sido kale jira Deegaan ahaan kuwo u dagan, waxaa ku yaala shirkadaha ugu badan ee lacagaha laga xawilo ganacsiyada waa weyn ee soomaalida leedahay, waxaa yaala dhaqaalaha ugu badan oo ganacsatada soomaalida ah ka shaqeysteen dalka South Africa gaar ahaan deegaanada tuulooyinka ah, lacagaha laga keeno oo lagu keydiyo shirkadaha ganacsiga maadaama aysan inta badan isticmaalin bank-yada dalka south africa Sidaa Darteed Waxaa Loogu Magac daraa Small Muqdisho “Muqdisho Yareey” oo Dadka South africaanka ah ay dhahaan.

In ka Badan 15 Sano ayey Soomaalidu Dagan tahay Xaafada Bellville waxaa ay number kow u aheyd xaafada amaankooda aad loogu diirsado dhibka ka dhaca uu aad u yaraa marka loo eego xaafadaha kale ee soomaalida ka dagan tahay dalkaan south africa ,laakiin mudooyinkii dambe waxaa aad usii xumaanayay amaanka xaafadaa oo ay kusoo badanayeen kooxaha wax dhaca ee dadka jidadka u istaaga xilliyada hore ee aroortii marka ay dadka shaqada u kalahayaan iyo xilliyada habeenkii marka dadka shaqada ay ka baxayaan kooxahaan waxaa ay isugu jiraan soomaali iyo south africaan waxaa ayna dhac u geystaan dadka soomaalida iyo kuwa south africaanka ah iyo qof walba oo meesha soo mara cida uu doono ha ahaadee.

Arinkaan waxaa uu Saameyn Ku Yeeshay Dadka Soomaalida ah Ee Ku Gancsada Xaafadaan Oo Saddax dhinac ba ay saameyn ugu yeelaneyso.

1}Mida kowaad in dadka macaamiisha u ahaa soomaalida xaafada dagan ee isugu jira south africaan iyo ajnabi kaleba ay ka cararaan xaafadaa oo ay ganacsigooda meel kale ka doontaan maadaama soomaalidii ay dhaceyso.

2)in Dadka wax dhacaya marka ay sii xoogeystaan ay Noqon doonaan Kuwa kusoo jeesta xitaa dadka soomaalida ah ee meesha dagan dhac maalin cad ahna loo geysto hantidooda ayaga aysan wax ka qaban karin.

3)in Laamaha Amaanka ay xaafada soomaalidu dagan tahay ku shabadeeyaan ama ku daraan xaafada qatar ah ee lagu qariyo burcada dadka lagu dhacayo laguna iibiyo waxyaabaha muqaabaraadka ah oo Daroogada u weyn tahay Sidaana Soomaalida oo dhan looga dhigo dad tuugada cawiya .

Hadal Heynta Ugu Badan Goobaha La Isugu Yimaado Waxaa ay noqotay In Amaanka uu sii Xumaanayo Waxaan Goob joog u ahaa Mid ka mid ah goobaha soomaalidu isugu timaado Waxaa Looga Faaloonayay Arimahaasi.

“Anaa taagnaa Wiil Soomaali ah ayaa Maalin Hore Jabsaday Gaari Uu Lahaa Nin Cadaan ah Magaalada Dhaxdeeda Soomaali ayuuna wax ka Iibsaday Ninkii ayaa Ku Yimid asaga oo gaarigiisa uu jabinaya wiilka soomaaliga ah Markaa ayuu Wiilkii qabtay, Soomaalidii ayaa Kusoo Baxday ayaga Oo Tuuga Uu Hiilinaya Ninkii South africaanka ahaa Ee La Dhacay ayaaba Halis Galay” Waxaa Sidaa Yiri Mid Goobta Joogay OO Ganacsade Weyn ah.

Mid Kale ayaa asna Yiri”Maya Hada Biskoolado Ayey Wataan Waana Soomaali Intaan Yar hadaa ka Baxdana adiga ayey Ku Dhacayaan waaana La Yaqaan Waxna Lagama Qaban Karo Waa Reer Habel”

Cajiib Reer Hebel Oo aan Dalkii Uga soo Cararnay Oo 20 Sano aan Qurba Joog u Nahay hadana qurbahii miyaan uga qaxnaa halkeese aadnaa markaan?ayuu yiri ganacsade Cape Town kunool.

Habeen Hore Aniga Oo Casho u Doontay Mid ka mid ah Maqaaxiyadaha Soomaalida ayaa waxaa ay indhaheygu qabteen Gidaarka Ama Darbiga Maqaayada oo ay Ku Qoran “fy Ali” “26” “27” “28” Durba Waan Istaagay waxaan Fiiriyay Waxaa La Yaabay Magaca” Fy ali” Waxaa Durba Soo Xauustay In Magacaan La Dhahi Jiray Koox Tuugo ah Oo Dadka Dhibaateeya Oo Soomaaliya Ka Jiray tirada saddax da number ee kala ah 26,27,28 waxaa kala wata saddax koox oo ugu waa weyn kooxaha tuugada ah ee ka jira Dalka South Africa Durba Waxaan Doontay Camero Si ana Sawiro uga qaato Labada Sawir ayaana Kasoo qaaday.

Dhalinyarada Falalkaan Geysta Waxaa ay Isugu Jiraan Soomaali iyo ajnabi kale waxaase hogaan u ah Dhalinyarada Soomaalida oo Ku Hubeysan Bastoolado iyo Mindiyo Iyo Wax La Mid ah, Waxaase Mid Walba Uu Daba La Galaa Qabiilkiisa Oo Hadii La xero soo deynaya Dhaqaalo la Daba taagan Hadii Soomaali kale u Gacan qaado U Duuban oo u Baahan Diyo iyo mag dhow ,waxaase uu dhibaatada u geysanayaa guud ahaan Soomaalida oo dhan magacooda iyo hantidooda intaba.

Kulamo badan oo ay yeesheen ganacsatada waxaa soomaalida xaafadaa waxaa ay sameysteen dhalinyaro ilaalo ah oo habeenkii shaqeeya kuwana wareega xaafadaha laakiin ku eg oo kali ah qofka meel ganacsi jabinaya ama u dhacaya marmarka qaarkoodna ayaga oo taagan ayaaba la dhacaa, laakiin lagama hadal dhalinyarada soomaalida ee dhibaatada geysanaya diyaarna looma ahan in wax laga qabto.

Qaar ka Mid ah warbaahinta gaar ahaan Wargeys-yada Xaafada Bellville Aageeda Kasoo Baxa Waxa ay aad Ugu Mashquulsan yihiin Dhacdooyinkaan Iyo Sida ay usii Baahayaan waxaana ay Qoraan Sheekooyin Cajiib ah Oo Arimahaa Ku Saabsan Ayada oo Dusha Loo Saarayo Soomaalida oo Idil Maadaama ay xaafada Ku Badan tahay.

Ugu Dambeyn Mid ka mid ah waxgaradka soomaalida ee Xaafadaa oo aan Arinkaan wax ka weydiiyay ayaa ii sheegay in Soomaalida Markii Hore Ay Halkaan Magac Ku Lahaayeen Xaafadana Sidaa Darteed Loo Dhahay Muqdisho Yareey lkn hada shanta sano ee socoto La Dhahi Doono Xaafada Tuugada xaafada ay Soomaalida Daganaan Jirtay.

W/Q Saxafi kusugan Cape Town

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR