Somali News

War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al-Shabaab saakay ka baxeen

1 of 1 War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al-Shabaab saakay ka baxeen
406 Views Date March 22nd, 2014 time 7:15 am

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay ku dhaqaaqay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ,halkaas ay ka baxeen Dagaalyahanadii Xarakada Al-Shabaab oo mudo sanado ah gacanta ku hayay.

Goob jooge kusugan Degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in saakay aroor hore Al-Shabaab bilaabeen in ay isaga baxaan Degmada Qoryooley , waxa uuna tilmaamay goob joogahan in ciidanamada Shabaab afka saareen Dhinaca Deegaanka Buulo Mareer iyo sidoo kale Degmada Baraawe.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hada lasoo sheegayaa in kaabiga ku hayaan Degmada Qoryooley , Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay Deeganao dhoor ah oo hoos taga Degmada Qoryooley sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Maamulka Sh/Hoose.

Dadka qaarkood ayaa saakay ka barakacayDegmada Qoryooley , Goobaha ganacsi ee degmadasai ayaa inta badan saakay xiran waxaana jira cabsi ay dadku ka qabaan in ciidaada Degmadaasi ku wajahan in dhibaato kala kulmaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco Wararkayaga Dambe Insa Allah

 

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR