Ciyaaraha

Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo ku shirey Dubai + Sawirro

1 of 1 Xiriirka Ciyaaraha Fudud oo ku shirey Dubai + Sawirro
6418 Views Date March 23rd, 2014 time 8:40 am

Kulan looga hadlaayay horumarinta iyo qorshe-sanadeedka 2014 – 2016 ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud ayaa lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta,iyadoo xubno katirsan GOS lagu casuumay shirkaasi.

Shirka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha XSCF Prof, Maxamed Cali ayaa waxaa goob joog ka ahaa,oo lagu casuumey Gudoomiyaha GOS C/laahi Tarabi iyo Cumar Baarajab oo xubin ka ah GOS isla markaana Tababare heer caalami oo Kubadda Koleyga ah,sidoo kale waxaa ka qeybgaley Drs. Khadiijo Aden, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xiriirka,Cabdulqaadir Caraale, Agaasimaha Guud ee Xiriirka,Maxamuud Cadow Tababaraha Xiriirka,Iimaan Barre, Maamulaha London Youth Athletics Club, UK iyo Cabdalla Rafle, Tababaraha London Youth Athletics Club.

waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo markii danbe laysa gartay in si dhaqsi ah loo hirgeliyo waxaana kamida:

1-    In la sameeyo seminar/workshop/ iyo aqoon kororsi wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ah oo lagu xoojinaayo tayada iyo tirada maamulka, garsoorayaasha, tababarayaasha iyo cayaartoyda xiriirka kuwaasoo ay iska kaashanaayaa xiriirka cayaaraha fudud iyo guddiga olimbiga Soomaaliyeed.

2-    In degmooyinka iyo gobolada dalka loo sameeyo tababarayaal iyo maamul cayaaro fudud oo degan goobahaas ama xiriirka u diro.

3-    In sanad walba la qabto tartamo kala duwan cayaaraha fudud ah oo ka kooban: qori isu dhiib, cross country iyo orodada dhaadheer si loo badiyo tirada cayaartoyda cayaaraha. Tartamadaas oo loo qabanaayo dugsiyada hoose, dhexe iyo sare; jaamacadaha; degmooyinka; gobolada; ciidamada qalabka sida iyo naadiyada.

4-    In la qabto tartan furan (open competition) oo qof walba ka soo qayb geli karo sannadkiiba mar am ka badan.

5-    In tartamadaas laga soo xulo cayaartoy xul qaran ah oo si gooni ah loogu tababaro noocyada kala duwan ee tartamada cayaaraha fudud kaa soo ku salaysan da’da cayaartoyda.

6-    In cayaartoydaas la soo xulay lagu xareeyo wadanka gudihiisa si ay u fududaato ka warqabkooda, gacan ku haytooda iyo maalgelintooda.

7-    In cayaartoyda Soomaaliyeed ee ku dhalatay ama ku kortay ama ku nool wadanka dibadiisa lagu soo xiro xiriirka si ay ugu qayb qaataan tartamada furan ama lagu soo xulaayo xulka qaranka si ay awoodooda cayaaryahanimo ugu faa’iideeyaan wadankooda hooyo.

8-    In la xoojiyo ka qayb galka tartamada dibadda gaar ahaan kuwa Afrika, IAAF, wadamada Carabta, kuwa Islaamka iyo kuwa olimbiga.

9-    In maalgelin loo helo xiriirka, gudaha iyo dibaddba, si loo fuliyo qodobada kor ku xusan.

a

b

d

E

F

G

I

 

     C/Xafiid Zaciimka

Zaciimka02@hotmail.com


Contact US / NALA SOO XIRIIR