Somali News

MALLEESHIYADA ALSHABAAB OO AF DUUBTAY DHOWR GABDHOOD

1 of 1 MALLEESHIYADA ALSHABAAB OO AF DUUBTAY DHOWR GABDHOOD
552 Views Date March 24th, 2014 time 4:28 pm

Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 23. 13 . 2014 ayaa waxay sheegayaan warar aanu ka helnay illo lagu kalsoon yahay naga soo gaaraya magaalada JILIB ee gobolka jubbada dhexe ayaa sheegaya inay halkaas ka dhacdey dhacdo foolxun oo ay Malleeshiyaadka Alshabaab ay kula kaceen shacabka iyo maatida halkaa degan .

arrintan ayaa ah afduudb sadex gabdhood oo  yar yar ,waxay wararki intaas ku darayaan in  labo kamid ay ahaayeen gabdhaha deegaanka, midna ay ahayd gabar ku imaatay safar magaalada  . Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa iyo hadda ay guryahooda kala bexeen saddex gabdhood, waxay wararku intaa ku darayaan in labo ka mid ah gabdhahaas aysan qaan gaar ahayn,
 Qof xog ogaal ah  oo deggan magaalada  ayaa waxuu noo xaqiijiyay in gabdhaha lagu magacaabo : Laylo Ali Geeddi, Fadumo Mohamed Hassan, labo ka mid ah waalidiinta oon la xariirnay oo lagu kala magacaabo sahro iyo xabiibo ayaa waxay inoo sheegeen in ay aad uga wal walsanyihiin xaalada ay ku suganyihiin ilmahooda .
 Ma ahan markii u horraysay ee Malleeshiyaadka Alshabaab ay gabdho afduubtaan ama guryahooda xoog uga ka xaystaan, oo dhawr kal ayey ka dhacday deegaanno ay gacanta ku hayaan, dadbadan ayaa waxay isweydiinayaan wax ay ka damacsanyihiin qorshaha noocan ah Alshabaab.

Contact US / NALA SOO XIRIIR