Somali News

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday (Yaa kamid ah

1 of 1 Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday (Yaa kamid ah
504 Views Date March 24th, 2014 time 10:38 am

Warar Hoose oon helnay ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday labo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , iyadoona xilkooda loo magacaabay Gudoomiyaal Cusub oo hada farta laga saaray warqadihii Magacabista.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle Cali Hilowle iyo Gudoomiyihii Degmada Hiliwaa Cumar Jcafaan ayaa laga qaaday Xilkii ay hayeen, waxaana lagu badalay gudoomiyaal Cusub oo u badan dhalinyaro.

Wali si rasmi ah uma soo bixin Degreetada xilka looga qaaday labada Gudoomiye , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan si rasmi ah usoo baxaan Degreetada xilka looga qaaday laguna Magcaabay Gudoomiyaal Cusub.

Wararka aan helnay ayaa intaa raacinaya in Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley loo Magacaabay Nin dhalinyaro ah oo dalka dibadiisa wax kusoo bartay oo lagau Magacaabo Aadan Maxamed Cumar oo farta laga saaray warqada magacaabistiisa .

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Hiliwaa ayaa isna loo Magacabay nin dhalinayro ah oon wali magaciisa aanan helin kaa oo la sheegay in ay isku heyb yihiin Gudoomiyihii Degmadaasi ee xilka laga Qaaday Cumar Jacfaan.

SeeftaXil ka qaafista Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa hada galkaka baxsan , waxaana la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo aadan iyana xilka laga qaado Gudoomiyaal kale .

Dhawaan ayey aheed markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Xasan Muungaab uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Shibis una Magacaabay Gudoomiye Cusub oo rasmi ah xilkii ula wareegay


Contact US / NALA SOO XIRIIR