Somali News

Deg Deg ah: Shariif Xasan oo shaaciyay arrin la yaab leh kadib markii…

1 of 1 Deg Deg ah: Shariif Xasan oo shaaciyay arrin la yaab leh kadib markii…
805 Views Date March 25th, 2014 time 8:47 am

War uu ka soo saaray magaalada Baydhabo waxa uu ku sheegay Shariif Xasan inuusan marnaba ka tanaasulaynin mowqifkiis aiyo hadakiisa ku aadan gaaritaanka magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in seddex gobal uu maamul u sameynayo goor aan fogeyn.

“Waxaan habeenkii labaad kusugan nahay megaalada Baydhabo, Waxaana ku guda jirnaa kamira dhalinta howlahii aan unimid taasoo ah in aan dhisno maamul ka kooban 3 Gobol, mowqifkeenana wax iska bedeley majiro.

Dhanka kaleed waxaa jiro dad kashaqeynaayo in nabad geliyo xumo ay ka abuuraan http://premier-pharmacy.com/product-category/anti-anxiety/ deeganadaan kuwaas oo lacag kubixnaayo iney soo abaabulaan dhalinyaro, anigu ujeedkeygu ma ahan in aan dadkana dhib ku abuuro mana jiraan wax ciidan ama hub ah oo aan wato sida ay dadka qaarkiis Idacadaha kashegeen waana wax been abuur ah, waxa keliyah aan usocdaa waa bedbaadinta dadkaan iyo deeganadooda hadii fikirkeyga la igu diidana majirto cid aan khasbi doono ama la degaalami doono.” sidaa waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Shariif Xasan.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR