Somali News

Dibad baxayaal Careesan oo xoog ku galay Guri ay tuhmayeen in uu ku jiro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan

1 of 1 Dibad baxayaal Careesan oo xoog ku galay Guri ay tuhmayeen in uu ku jiro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan
562 Views Date March 25th, 2014 time 4:30 pm

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maalintii Sadaxaad dibad baxyo rabshado wata ay dhigayaan taageerayaasha Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka dhaceen Magaaladaasi.

Dibad baxyada ayaa ah mid looga soo horjeedo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Baydhabo kusugan iyo Maamul Goboleed Sadax Gobol ka kooban oo dhisimihiisu hada ka socdo Magaalada Baydhabo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dibad baxayaal careesan Xoog ku galeen guri ay tuhmayeen in uu ku jiro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo la tilmaamay in xiligaasi uu xildhibaanka guriga laga raadiyay uusan ku jirin.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqaya ereyo lidi ku ah Gudoomiyihii hore ee Baaramaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ay Shariifka ugu sheegayaan in aan Baydhabo laga rabin uuna isaga baxo.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa ah wali mid kacsan , waxaana maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo kasocda kulan diirada lagu saarayo xiisadaha ka jira Baydhabo kaa ay ka qeyb qaadanayaan Dhinacyada iskaga soo horjeeda Magaaladaasi.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR