Somali News

Kooxihii Dilay Ugaas Maxamed Xuseen Hadaafow oo la sheegay in gacanta lagu dhigay

1 of 1 Kooxihii Dilay Ugaas Maxamed Xuseen Hadaafow oo la sheegay in gacanta lagu dhigay
458 Views Date March 25th, 2014 time 7:00 am

Waxaa Shalay Galab Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose lagu dilay Ugaaska Beesha Cowra Maleh Ugaas Ugaas Maxamed Xuseen Hadaafow kaa ay toogteen kooxo la sheegay in Bistoolado ku hubeesnaayeen.

Sargaal katirsan Maamulka Jubba ayaa warbaahinta u sheegay in labo nin oo la tuhmayo in ay ka dambeeyeen Dilka ugaaska Ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen kadib markii ay eryadeen sida uu sheegay.

Sargaalkan katirsan Maamulka Jubba ayaa sheegay in raga lasoo qabtay ay ku marqaati kaceen dad xiliga la dilay ugaaska la joogay , waxa uuna intaa raaciyay in ragan lasoo qabtay baaritaano lagu sameenayo hadii ay ku cadaato dambiga loo heestana sharciga la hor geyn doono.

Shalay galab ayaa Ugaaska Beesha Cowra Maleh waxaa lagu dilay Gudaha Magaalada Kismaayo , ugaaska ayaa kamid ahaa xubnihii wax kasoo dhisay Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilka shalay loo geestay Ugaas Maxamed Xuseen Hadaafow , dilkan ayaana qeyb ka ah dilalka qorsheesan ee inta badan lagu dilo waxgaradka iyo qeybah kala duwan Bulshada ee kunool Magaalada Kismaayo.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR