Somali News

SIR CULUS:-Yaa bixiyay amarka lagu Kharijiyay Ugaas Xuseen Hadafoow!!

1 of 1 SIR CULUS:-Yaa bixiyay amarka lagu Kharijiyay Ugaas Xuseen Hadafoow!!
1218 Views Date March 25th, 2014 time 8:43 am

Iyadoo maalinimadii shalay Magaaladda Kismaayo lagu dilay Ugaas Xuseen Hadafoow oo ka mid ahaa Waxgaradka Magaalada ayaa goor dhow soo baxday in gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Ugaaska.

Ugaaska ayaa la sheegay in Dilkiisa uu Amar ku bixiyey,Max’ed Warsame Faarax”Darawiish”oo ah Nin ugu Magacaaban  Axmed Madoobe Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Raas kambooni.

Nabadoon Cabdi Isaaq Max’ed oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta u sheegay in  Dilka ugaaska uu Cad yahay islamarkaana uu ka danbeeyo Darawiish.

“Shalay ayuu Xafiiskiisa ugu yeeray Darawiish Ugaas Xuseen,waxaa uu ka Codsaday in Beesha CowraMale oo u gaaska uu ka soo jeedo ay la Shaqeyso Maamulka AXmed Madoobe,laakiin Ugaaska wuu ka biya Diiday Arintaa,intaa ka dibna Waa la dilay,Marka wey Cadahay in Darawiish uu Dilay”ayuu yiri Cabdi Isaaq.

Max’ed Warsame Faarax”Darawiish”, ayaa iminka loo qabtay dilkaasi waxaana la filayaa in baaritaano quta dheer lagu sameyn doono, inkastoo la sheegay inuusan isaga dilin balse uu maleegay dilka

top_secret-150x150


Contact US / NALA SOO XIRIIR